03 September 1989-kii waxaa iskaga horyimid garoonka Maracana wadamada Brazil iyo Chile, ciyaar ka tirsaneyd is-reebreebka koobkii aduunka ee 1990-kii lagu marti galiya Italy. Brazil ayaa 1-0 hogaanka ciyaarta ku qabtay, balse daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta taageerayasha Brazil ayaa waxyaabaha holca kusoo tuuray goolhayihii Chile Roberto Rojas, intaas kadib dhulka ayuu isku tuuray, aagiisii oo dhan ayaana qiic socdo noqday, ciyaarta ayaa hakatay, markii goolhaya loo yimid waaba kan wajigiisa dhiig ayaa ka socdo. Xidigaha Chile waxa ay go'aansadeen in aysan sii ciyaarin, garoonka ayaana laga dareeray.
Xiriirka kubada cagta Latin America ee losoo gaabiyo CONMEBOL ayaa ciyaarta kasoo saaray go'aamo kuwaas oo u dhacayay sidatan.
1)Ciyaartii Barzil vs Chile waxaa 3-0 ku adkaatay Chile.
2)Ciyaartaas markale ayaa dib loo ciyaarayaa waxana lagu qabanayaa goob ka baxsan labada dal.
Xiriirka kubada cagta Brazil ayaa cabasho ka muujiyay dhacdadaan, CONMEBOL waxa ay sheegeen in baaritaano dheeri ah ay kusii sameyn doonaan kulankaan.
Baaritaano dheeri ah kadib waxaa la ogaaday in goolhaye Roberto Rojas waxyaabaha holca aysan toos ugu dhicin, dhaawaca intaan la egna qiic uusan u geysan karin baaritaankana lasii wado.
Baaritaan dheer kadib waxaa la ogaaday in goolhaye Roberto Rojas gacmo gashiga uu ku watay sakiin, markii ay dhacdadaan dhacdayna uu dhulka isku tuuray wajigana uu iska jarjaray, waaba sidii nin filin jilaya!!.
Hadaba go'aan nuucee ah ayay CONMEBOL ka qaateen dhacdadaan?
CONMEBOL gabi ahaanba waxa ay ka joojiyeen kubada cagta inta noloshiisa ka dhiman goolhaye Roberto Rojas, sidoo kale xulka Chile waxaa laga saaray is-reebreebkii koobkii aduunka ee 1990-kii, si la mid ah waxaa lagu ganaaxay in aysan ka qeyb qaadan karin is-reebreebkii WC 1994-kii!!.
Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu cajiibsanaa kubada cagta taariikhda!