Xaqiiqooyin badan oo nagu hareereysan ayaa dunida nagaga qarsoon. Waxaan shaki ku jirin, xukunka dunida maanta in uu gacanta ugu jiraa caa’ilado gacanta ku haya wax-walba oo aadamigu u baahan yahay. Shidaalka, raashinka, dawooyinka, war-baahinta, lebiska, gaadiidka, teknolojiyada, hubka, hay’adaha madadaalada, agabka war-baahinta, xataa iniinaha abuurka beeraha. Arintaasi waxay fursad u siisey in ay si dadban u maareeyaan siyaasadda iyo nadaamka caalamiga ah oo dowladaha caalamka ku shaqeeyaan. Caa'iladahaas shanta ah waxay yihiin:
1) Qoyska Rootshild (The Rothschild family): Qoyskan waxaa lagu magacaabaa nebiyadii lacagta. Waxay leeyihiin hantida dunida taal kala-barkeed. Waa qoys Yahuud ah oo ka soo jeeda qowmiyadda reer Ashkenazi. Iyagu waa Yuhuuddii qurba-joogta ee ku soo ururtay Boqortooyada Quduuska ah ee Roomaanka, dabayaaqadii kunleydii kowaad. Maanta tirada dadkaas waxaa lagu qiyaasaa 11 melyan oo qof, kuwaas oo ku kala firirsan yihiin 33 dal oo kamid ah qaarada shanta. Magaca ay sitaan qoyskan wuxuu ka soo jeedaa awoowahood oo la oran jiray Mayer Amschel Rothschild (1744 - 1812).
Ninkan oo dhalashadiisu ay tahay Jarmal, ayaa wuxuu ku noolaa magaalada Frankfurt. Isagu wuxuu ahaa sarifle ku guuleystey in uu hanti sameeyo, isla-markaas waa asaasihii boqortooyada bangiyada Rothschild. Waxaa lagu naaneysaa (Aabaha curiyey maaliyadda caalamiga ah). Qoysku wuxuu ahaa mid hantidiisa ku haystay qalab maaliyadeed oo ku wareeganayay adduunka oo dhan sida kaydka, curaarta iyo deymaha. Isbeddellada uu qoyskan sameeyey wuxuu ahaa in ay oggolaadeen in hantidooda ay ka ilaaliyaan rabshadaha maxalliga ah iyo boqorrada ku bahaloobay dhaca hantida dadkooda. Sidaa darteed, Rothschild wiilal uu dhalay ayuu u kala direy degmooyinkii xilligaas ahaa xarumihii maliyadda ee caalamka. Ujeeddadu waxay ahayd in ay ka bilaabaan ganacsi faracyo u noqda saraafadihiisa.
Nathan Mayer Rothschild fadhigiisu wuxuu ahaa magaalo-madaxda dalka Ingiriiska ee London. James Mayer de Rothschild isna fadhigiisu wuxuu ahaa magaalo-madaxda Fransa ee Paris. Carl Mayer von Rothschild ayaa isna waxaa u fadhi ahaa dalka Talyaaniga degmada Napoles, iyo Amschel Mayer Rothschild oo isagu fadhiyey Frankfurt. Dabadeed Rothschild wuxuu ku guuleystey in hantidiisa uu dhaxalsiiyo wiilashiisa shanta ah, kuwaas oo bartamahii qarnigii 19-aad noqdey qoysku caa’iladda dunida ugu hantida badneyd. Hodantooyadaas waxay soo gaartey qarnigii 20-aad. Tan iyo maanta waxay horseed ka yihiin caalamka maaliyadda. Hantidooda maanta waxaa lagu qiyaasaa in ay ka badan tahay 100 trilayn oo dollar. Waxay dabooshey qaybo kala duwan, oo ay ku jiraan adeegyada maaliyadeed, hantida maguurtada ah, macdanta, tamarta, beeraha, wershadaha khamriga iyo hay’ado aan ribix doonka ahayn.
Qore: Dr. Saadiq Enow