Shirkada fashion-ka aduunka ee Zara.

1970 ayuu amancio Ortega aas aasay shirkad yar oo zara la yiraahdo dalka spain ku taallo, ortega oo ahaa nin yaraantiisii nolol adag ku soo koray asagga oo 14 jir ah school ka ka haray si uu family-kiisa biil uga soo dhiciyo waxa uu la shaqeeyn jiray nin dukaan dharka lagu sameeyo oo yar leh waxa uu suuqa uga keeni jiray wax walbo oo uu u baahdo.

Ortega markii la maraayay 1970’s waxa uu furtay shirkad noqotay mida fashionka ee caalamka ugu weeyn iyo shirkadii ugu guulaha badneeyd xagga ganacsiga dalka spain taariiqdiisa oo dhan shirkadaasi magaceeda waa ZARA 7300 oo xarumood ayeey caalamka oo dhan ku lee dahay wadan walbo iyo magaalo walbo oo weeeyna waad ka heli kartaa.

MAXEEY GUUSHA KU GAAREEN? 

3 arin ayaa guusha shirkadan aas aasi u ah:

A) operational room ( waa koox taxliiliyayaal ah oo fdhiyo xarun spain ku taallo kuwaas oo falaanqeeynaayo howlwalbo oo ka socoto xarumaha saare ee aduunka sidda, dharka meeshaas laga jecel yahay nashqadiisa, cabirkiisa iyo waliba qiimaha dadka aay ku iibsan karaan).

B) sale-update oo ah in sheeygii la soo dhigo baqaarka Zara 4 maalin gudaheed haddii aan lagu iibsan laga qaadaayo baqaarka oo dib dambe loogu arkeeynin.

C) logistics xarun walbo oo zara ah oo aduunka ku taallo waxa aay dalabkeeda ku heleeysaa 48 saac gudahood.

Arimahaasi waxa aay shirkadan u suurta galiyeen in aay noqoto shirkad uusan calanka ka dhicin mar walbana la jaanqaado suuqa-dharka ee caalamka waliba hoggaan ka noqoto.

waxa aay ku jirtaa 60 ka shirkadood ee caalamka oo dhan ugu waa weeyn  125 billion dollar ayaana lagu qiyaasaa qiimaha aay suuqa ka joogto.

Fiiri sawirka 1-aad( intii u dhaxeeysay 2006 ilaa 2016 koritaankeeda dhaqaale iyo inta meel cusub oo aay furatay).

Mr Ortega oo ah ninka aas aasay shirkadan 3 wareeysi oo kaliya ayuu noloshiisa oo dhan bixiyay waana 84 jir waligiis ma xiran dharka aay shirkadiisa soo saarto, 1999 ayaa ugu dambeeysay sawir laga qaado oo idaacadaha ama tv lagu faafiyo.

Dadaalkiisa iyo daacadnimadiisa waxa aay u horseeday in aay ardayda dugsiyada sare ee spain ka dhigtaan ruux aaay ku daydaan.




2 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post
maxaad qabtaa oo Suaal? hadey jawaab taada haa tahay fadlan WhatsApp nagala soo xariir adoo mahadsan
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...