Marka aay joogto soo jiidashada dumarka, rag badan waxa aay is weeydiiyaan qaabka ugu habboon oo aay gabar lamaane nolosha kula noqoto u soo jiidan lahaayeen.
Waxeey waqti badan ku bixiyaan, raalli galinta qof dumar ah oo la Qurux badnaato, waxeey qaarkood lacag ama hadiyado kale ku bixiyaan soo jiidashada qalbiga dumarka.
Lkn arrimahaas oo dhan dumarka kuma godladaan, waxeeyna rag badan oo war jiro moog ah ku dhacaan godadka ka qodan qalbiyada dumarka.
Soo jiidashada waa suuq, alaabta taalana wa adiga. Qiimahaada ayaa ruux walbo soo jiidanaayo ama ka cararaayaa.
Haddaa tahay ruux aan aqoon badan laheeyn, muuqaalkiisa jireed iyo labiskiisa dilan yahay, hamigiisa nolosha yar yahay ama hami aan laheeyn, raga marka uu dhax joogo aan micno badan laheeyn dumarkana waxba kuu arki maayaan.
Haddaba waxan qoraalkaan idinkugu soo gudbinaayaa dhowr arrin oo ragga ka saacido in aay dumarka soo jiitaan.
1) Jirka iyo labiska: ruuxa ku arko marka koobaad ma yaqaano magacaada, qabiilkaada, qiimahaada iyo aqoontaada intaba waxa kaliya uu arkaayaa muuqaalkaada jireed iyo labiskaada, haddana waa muhiim in aad ku wax ka qabataa muuqaalkaada jirka, waxaadna wax uga qaban kartaa laba qaab
- in aad jirkaada dhisto oo aad gym ama sport kale sameeyso.
- in aad qaabka aad madaxa u jaraneeyso, labiskaada, iyo caraftaadaba aad wanaajiso oo aadan noqon ruux dilan.
2) lacagta: rag badan waxa aay aaminsan yihiin in dumarka lacagta jecel yihiin, oo ragga lacag uun ku raacaan!! Oo yaa neceb?!!
Lacagta marka la lee yahay lagama wado in aad millioner tahay, ama aad lacag badan haaysato Lkn waa in aad ruuxii aad rabto in uu nolosha kula qeeybsado aad masuuliyadiisa dhaqaale qaadi karto. Dumarka lacagtaada ma rabbaan badankood lkn haddeey nolol kula qeeybsanaayaan waxeey rabbaan nin amaan ah oo aay ku aaminaan naftooda, marka shaqeeyso, oo miiska soo saar wax lagugu raaco, qoftii aad rabtana tusaayo in aay isku kaa haleeyn karto.
3) Aqoonta Guud: aqoonta guud, aqriska buuggaagta, daawashada films ka, la sheekeeysiga dadka kaa waa weeyn intaba waxa aay ruuxa dhaxalsiisaa in uu yeesho aqoon guud oo aan agtiisa lagu caajisin, sheekooyin badan ayuu bartaa oo ruuxii ku cusuba in uu uga sheekeeyo xiiso galiyo, xasuusna ku reebo.
Dhinaca kale aqoonta guud ruuxa waxeey u sahashaa in uu doodaha iyo sheekooyinka wax ku darsan karo oo uusan noqon maqane jooge.
4) Qiimaha: oraah carbeed ayaa tiraahdo; Ruuxii naftiisa sharfo ayaa sharfan. Dadka kale qiimaha aad agtooda ka heleeyso siiba dumarka waxa uu ku xiran yahay sharafta iyo qiimaha aad naftaada siiso.
Waa in aad noqotaa ruux aan wax walbo yeelin, duli noqon, waa in aad qab iyo ragganimo muujisaa. Dumarka aad ayeey u jecel yihiin ragga naftooda qiimeeyo oo aan warkooda uun yeelin.
Tusaale ahaan wiil ayaa gabar 10 jeer wacaayo waa online kama qabaneeyso, walina wuu sii wacaayaa. Maxaa dan ah oo ugu jirto dullinimadaas?!!
Ruux ayaa qoraayo farriin 2 page ah, 3 eray ayaa loo soo qoraayaa, maxuu faa’iiday duliga?
Haddaa gabarta 2 ama 3 jeer oo bilaawga ah wacdo oo aaysan ku soo wicin oo xariirka noqon mid wadaag ah, iskaga tag, Haddaad fariin dheer u qorto oo aaysan mid la eg ama u dhiganto kuu soo qorin lambarkeeda tuur oo horay u soco. Naftaada bar in dumarka dunida ku nool ragga ku 2 jibaarmaan oo aay mid kale heleeyso.
5) Hamiga: noqo ruux hami iyo project leh oo ku mashquulsan, ruux bari iyo bari dambe ka baaraan dagaayo ruux indhahiisa aay cirka ku tolon yihiin.
Cunug 18 jir ah, caato ah, labis foolxun, waxba aqrinin, nolosha waxa uu ka rabbo aan aqoonin, iska dameer dhaan raac ah ha noqon.
Dumarka aad ayeey u jecel yihiin ragga hamiga sare leh, ragga ku mashquulsan mashaariicda waa weyn, dumarka waxaa qalbigooda mar walbo uu u kireeysan yahay ragga guuleeystayaasha ah, ragga guuleeystayaasha ahna waa kuwa nolosha hami ka leh.
Tus gabartaan in aay la joogto ruux aan waxa uu haaysto ku qanacsaneeyn, damaaci ah, mar walbo wax weyn oo wanaagsan rabbo.
6) Sidda aad bulshada ku dhax tahay:
Rag badan maanta waxa aay noloshooda oo dhan ku qaataan social media-ha, saacad ma joogi karaan phone la’aan. Dadka in aay u tagaan lama hadli karaan, ruux qiimeeynaayo, dhageeysanaayo ama aay xiiso galin karaan ma jiro.
Xitaa waalidkood ayaa dhibsado, siduu ruuxaas qof dumar ah oo soo jiidashada in aay suuq tahay og oo wax qiimo leh raadineeyso uga heli kartaa?!!
Ka bax guriga, dhig phone oo bulshada magac, maamuush iyo maqaam ku dhaxyeelo.
Ruux aqoontiisa, caqligiisa iyo aragtidiisa loo baahdo noqo.
7) Jooji cabsida:
Waxaa jiro rag badan oo qiimo wanaagsan leh, hami sarena leh lkn gabarta aay ka helaan ka cabsanaayo? Oo Maxaa u cabsaneeysaa ma dagaalkii 77 ayaa laguu diray? Yaa ka cabsaneeysaa? Ma gabarta qalbigaada soo jiidatay?
Waa doqonimo in nin rag ah cabsi uu dareemo waana wax ceeb ah.
Weeydii lambarkeeda, la hadal, u sheeg waxaad rabto badankood wax la hadlo ma jiraan ama in aad la hadasho ayeeyba ku faraxsan yihiin.
Laga yaabee jn daqiiqaha u horreeyo is adkeeyso Lkn aaqirka weey dabceeysaa.
Haddeey ku diido ma gantaaladii nuclear ka ee Japan lagu dhuftay ayaa kugu dhacay?
Saacado kadib weey ku iloobeeysaa, Adigana waad iloobeeysaa marka waxba ha cabsanin.
Qodobadaas aan kor ku xusnay oo dhan waxeey na tusinaayaan in soo jiidashada dumarka ka bilaabato in aad naftaada maal iyo waqtiba aad galiso si aad u noqoto ruux qiimo leh, oo la rabbo.
Waxaa hubaal ah in aad ku faa’iido doonto qaadashada iyo dhaqan galinta talooyinkaan.
W/Q muhammad Indhoos.