Robert Hoyzer waxa uu ahaa Garsoore Jarmal ah, sanadkii 2005-tii maxkamada Berlin ayaa ka joojisay shaqadiisa Garsooranimo xabsi ayaana la dhigay kadib markii lagu eedeeyay in uu qaatay laaluush 4 kulan, kulamadaasna uusan si daacadnimo ah u dhex dhexadin. Hadaba lacagta ay qaataan Albiitarayaasha miyaa yar oo ay laaluushka la qaataan? Waa suaal is weydiin mudan.
Waxaan qormadaan kaga jwbi doonaa suaasha ah: Lacag intee la eg ayay qaataan Garsoorayaasha kubada cagta?
Garsooruhu waa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan kubada cagta, hal go'aan oo uu qaato ayaa badali karto natiijada ciyaar, hal qalad uu galo ayaa badali karto bogag taariikh ah. Ibnu aadamka dunida dul saaran midka la rabo in uu ugu foojignaan badnaado shaqadiisa waa Albiitaraha, go'aankasta oo uu qaadanayo waa in uu dharaandhiriyaa.
HADABA MUSHAAR GO'AN MIYAY QAATAAN GARSOORAYAASHU MISE LACAG QOONDO AH AYAA LA SIIYAA KULANKASTA OO AY DHEX DHEXADIYAAN KADIB SIDOO KALE GARSOORAYAASHU MA ISKU MUSHAARBAA?
Iminka waxaan ka jwbeynaa labadaan suaal.
Garsoorayashu isku lacag ma ahan, hadba waxa ay ku xirantahay wadanka uu ka shaqeeyo iyo nuuca tartanka uu dhex dhexadinayo. Shaqsiga garsoore ka ah dal hormaray sida England kuma mushaar ahan shaqsi garsoore ka ah dal Bulgaria oo kale ah, si la mid ah Garsooraha marka uu horyaal dhex dhexaadinayo iyo marka uu dhex dhexadinayo tartan caalami ah sida UCL oo kale isku lacag ma qaadanayo.
Garsoorayaasha Horyaalka heerka 1-aad ee England waxa ay qaataan Mushaar sanadeed iyo lacag qoondo ah oo lasiiyo kulankasta kadib, lkn waxaa jiro horyaalo badan oo aan la mid ahayn kuwaas oo aana bixin mushaar sanadeed lkn Garsooraha siiyo lacag qoondo ah kulankasta kadib sida Spain, Germany, Franca iyo Portugal oo kale.
Garsoorayasha ayaga oo hal tartan wada dhexdhexadiyo ma ahan kuwo isku mushaar ah ama isku qoondo ah , waa ay kala darajo sareeyaan, waxaana lagu kala saaraa khibrada, sida ay u xakameeyaan kulamada ay dhex dhexaadinayaan iyo waxyaabo kale oo badan.
Tusaale: Garsoorayasha Horyaalka heerka 1-aad ee England ma ahan kuwo isku mushaar ah, waa ay kala mushaar badanyihiin, lkn lacagta qoondada ah ee la siiyo kulamada ay dhexdhexaadiyaan kadib waa isku mid.
Martin Atkinson waxa uu ku jiraa Albiitarayaasha ugu darajada sareeya horyaalka England, sanadkii waxa uu qaataa mushaar dhan 200K£.
Anthony Taylor waxa uu qaataa sanadkii mushaar dhan 70K£.
Andre Madley waxa uu qaataa sanadkii mushaar dhan 48K£ lkn dhamaantood waxa ay qaataan kulankasta oo ay dhex dhexaadiyaan kadib lacag qoondo ah oo isku mid ah waana 1500£.
Calan wadayaasha horyaalka England iyo garsoorayaasha VAR kuma mushaar ahan garsooraha dhexe ee ciyaarta oo wax yar ka hor aan kasoo hadalnay.
Garsoorayaasha VAR iyo Calan wadayaasha EPL waa isku mushaar, makala darajo sareeyaan, sanadkii waxaa la siiyaa lacag isku mid ah oo dhan 30K£ halka kulankasta kadib lasiiyo lacag qoondo ah isku mid ah oo dhan 850£.
GARSOORAYAASHA RAGA AH IYO KUWA DUMARKA AH MA ISKU MUSHAARBAA?
Garsoorayaasha dumarka ee horyaalka England waa ay ka mushaar yaryihiin dhigooda raga ah waliba in badan.
Tusaale: Sian Massey-Ellis waa mid ka mid ah Garsoorayasha dumarka ah kuwooda ugu heerka sareeya England, sanadkii waxa ay qaadataa 40K£, taas oo ka dhigan in Atkinson oo ka mid ah Garsoorayasha raga ah kuwooda ugu darajada sareysa England uu ku shan jibaarmo mushaarka sanadkii ay qaadato Sian Massey-Ellis, kulankasta kadibna Garsoorayasha dumarka ah waxa ay qaataan lacag qoondo ah oo dhan 1500£.
Xisaabta ku darso tartamada Dumarka xiiso ahaan lama mid ah kuwa raga, sidoo kale waxa ay ku kala duwanyihiin dhanka xayaysiimaha ay helaan i.w.m.
GARSOORAYAASHA DHEX DHEX DHEXAADINAYA KULAMADA UCL LACAG INTEE LA EG AYAY QAATAAN?
Garsoorayaasha dhex dhexaadiya kulamada caalamiga ah sida World Cup-ka ama UCL ma qaataan mushaar joogto ah, waxa ay qaataan lacag qoondo ah kulankasta kadib, lacagtaasna waxaa bixinaaya tartanka ay dhex dhexaadinataan xiriirka uu hoos tago.
Garsoorayasha dhex dhexadinaya UCL isku darajo ma ahan, isku qoondana ma ahan oo waa ay kala sareeyaan. Tusaale, Felix Brych waa Garsoore Jarmal ah, kulankasta kadib waxa uu qaataa lacag qoondo ah oo gaareysa $10K, Cüneyt Çakır waa Garsoore Turkish ah, kulankasta kadib waxa uu qaataa lacag dhan $8K, Mohammed Al-Hakim waa Garsoore Swedish ah asalkiisuna yahay Iraq, kulankasta kadib waxa uu qaataa lacag dhan $1K.
GARSOORUHU SHAQO KALE MAKA SHAQEYN KARAA?
Garoorayaasha midkasta shaqo kale hadii uu helo asaga oo garsoore ah waa uu ka shaqeysan karaa lkn waxaa shardi ah in lid aysan ku ahayn shaqadiisa Garsooranimo.
Tusaale Felix Brych waa Lecturer shuruucda caalamiga ah, Markus Merk waa dhaqtar ilkaha ah, Gehad Grisha waxa uu ka shaqeeyaa shirkad Petrol.