21 October 2000 hay'adaha amniga ee Magaalada Barcelona - Calatonia - Spain waxaa loo howl galiyay si aan horay loo arag, amniga waxaa loo adkeeyay si adag, sababta ma ahayn in la joojiyay ciyaarista kulanka ugu weyn kubada cagta ee El Clasico, bal waxaa la ciyaarayay maalintaas El Clasico ka duwan kuwii hore.
Shacabka ku nool magaalada Barcelona waxa ay iskugu soo bexeen afaafka hore ee Gagida diyaaradaha ee Magaalada Barcelona, qaar waxa ay tubnaayeen wadooyinka galo garoonka Camp Nou, dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwo careysan, qeylinaya, waxa ay wateen dhalooyin, biro i.w.m. waxa ay ahaayeen dadkaas kuwo isku diyaarinayay in ay soo dhoweeyaan xidig kubada cagta ciyaara, xidigaasna mid kale ma ahayn ee waxa uu ahaa Luìs Figo.
Shalay waxa uu ahaa mid u ciyaarayay Barcelona, ugu raaxeynayay xirfadiisa taageerayasha Blaugrana, 21 October 2000 xaalka waa uu ka duwanaa sidii hore, waxa uu kusoo laabtay Barcelona asaga oo xiran maaliyada kooxda sida ba'an ay u xifaaltamaan Barca ee Real Madrid.
Hadaba kusoo dhowada xog dhameystiran oo ku saabsan Luís Figo. Sababtii keentay in RM uu ku biiro, qaabkii ay ku qaadatay iyo xog kale oo dheeri ah!.
Fasal ciyaareedkii 1995/1996 Johan Cruyff oo Barcelona macalin u ahaa waxa uu doonayay in uu hormariyo weerarka Barcelona, qorshihiisana waxa uu ahaa in uu kusoo daro weerarka kooxda xidig da' yar oo dhaqaaq fcn, Figo oo bandhig heer sare ah ku jiray ayuu qabtay raadeerka Barcelona, xili kooxda reer Portugal ee Sporting CP ay dhankeeda dhaqaale u baahneed. Blaugrana ayaana kusoo qaadatay Figo qiimo dhan 2.5 Million oo Gani.
Xidiga reer Portugal waxa uu nasiib u yeeshay in uu ka hoos ciyaaro Cruyff Season-kiisii ugu dambeysay ee uu leyliyo Barcelona, lkn wax badan ayuu ka baray sanadkaas.
Seasonkiisii ugu horeeyay Figo ee waayihiisa Barcelona oo u aha mid la qabsi, Blaugrana waxa ay ka gashay horyaalka kaalinta 3-aad, Atletico De Madrid ayaa ka qaaday Copa del Rey, koobkii UEFA Cup waxa gaareen Semi-final, Bayern Munich ayaana kasoo cirib tirtay.
Dhamaadkii Season-ka Johan Cruyff ayaa iskaga tagay shaqada Barcelona kadib khilaaf soo kala dhex galay madaxweynihii Barcelona. Ma ahayn khabarkaas mid u wanaagsan dhagaha da' yarta iyo xidigihii ku cusbaa Barcelona oo Figo uu ku jiro, lkn camaaliqada Catalonia ayaa macalin ka dhigatay Bobby Robson kaas oo Figo hormariyay abaal weyna u galay, maadama uu ka dhigay mid ka mid ah xidigihii ugu fiicnaa xiligaas kubada cagta.
Bobby Robson waxaa tarjumaan u ahaa Jose Mourinho, waxa ay Barcelona lasoo wareegtay Luis Ronaldo, Blaugrana ayaana qaadatay Season cajiib ah, La liga ayay ka galeen kaalinta 2-aad, waxa ay ku guuleysteen Copa del Rey, Supercopa de España iyo UEFA Cup Winners' Cup, Figo ayaana ahaa mid ka mid ah xidigaha ugu saameynta badnaa Season-kaas Barcelona.
Season-kii xigay ee 1997/1998 Barcelona waxaa ka tagay Luis Ronaldo iyo Bobby Robson, maamulka Barca waxaa la wareegay Louis van Gaal, xidiga Portugal Figo waxa uu sii joogteeyay qaab ciyaareedkiisii wacnaa, waxa uu noqday mid ka mid ah xidigihii ugu fiicnaa dhamaadkii sagaashameeyadii iyo shumaca kaliyah ee u ifaayay Barcelona taas oo uu ku kasbaday in Jamaahiirta Barcelona ay ugu yeeraan Figo waa “Catalonian aana ku dhalan gudaha Catalonia”.
Waxa uu noqday mid ay jecelyihiin taageerayaasha Barcelona, qiimihiisa suuqa kor ayuu u kacay, kulankasta oo El Clasico ah waxa uu ahaa mid soo bandhiga qaab ciyaareed cajiib ah, intaas waxaa usii dheeraa waxa uu ahaa mid markasta dhaha kuma biirayo Real Madrid dalabkasta oo aan ka helo, waxaan jeclahay Barcelona, ugu dambeyna waxa uu noqday Kabtanka Barcelona.
Dhamaadkii 1999 waxaa dhacaysay doorashada madaxtinimo ee Barcelona sidoo kale waxaa dhacaysay isla waqtigaas doorashada madaxtinimo ee Real Madrid (doorashadaas oo saameyn taariikhi ah ku yeelatay waayaha ciyaareed ee Figo iyo xiriirka labada koox ee Barcelona iyo Real Madrid).
Xiligaas Luìs Figo waxa uu ka dalbaday Barcelona in laga saxiixo heshiis cusub lana kordhiyo mushaarkiisa, lkn murasha madaxweynihii Barcelona Gaspart ayaa ka dalbaday Figo in uu sabro ilaa dhamaadka doorashada.
Season-kaas Barcelona waxaa lagu reebay Semi-final-ka UCL, Valencia ayaana ka cirib tirtay tartanka waliba qaab fool xun, Figo ayaana ka maqnaa kulankii 2-aad oo Barcelona 2-1 ay ku badisay waloow lugtii hore 4-1 lagu maasheeyay.
Waqtigaas waxaa is qabtay oo xiriirkooda uu xumaaday Luìs Figo iyo macalinkii Barcelona
Louis van Gaal, xili taas ay jirto ayaa Figo waxaa lasoo xariiray wakiilkiisa waxa uuna ku war galiyay in Barcelona aysan diyaar u ahayn in ay mushaarkiisa sare u qaado, xiriirka u dhexeeya maamulka Barcelona iyo Figo marba marka ka dambeeya waa uu sii xumaanayay.
Florentino Pérez waxa uu ahaa mid kor kala socda xaalada camaaliqada Catalonia ee Barcelona. Laga yaab in aad is weydiiso muxuu kala socanayaa xaalada Barcelona, xiligaas maba ahayn madaxweynaha Real Madrid.
Pérez waxa uu waqtigaas u tartamayay madaxtinimada kooxda boqortooyada, waxa uuna tartan adag kula jiray shaqsi laga jecelyahay gudaha Real Madrid oo lagu magacaabo Lorenzo Sanz.
Waxa uu ahaa Sanz mid heystay taageero fara badan, guuleyste ah kaas oo Real Madrid ka saaciday ku guuleysiga UCL oo kooxda aysan qaadin mudo 37 sano ah xiligaasna Real Madrid waxaa CL u qaaday Jupp Heynckes, 2 sano kadib markale ayuu kooxda u qaaday UCL.
Florentino Pérez waxa uu ogaa in Sanz uusan si sahlan uga guuleysan karin hadii uusan la imaan wax cajiib ah oo uu kusoo jiidan karo xubnaha kooxda, taasna waxa ay u baahantahay cabqarinimo.
John Carlin waxa uu ku sheegay buugiisa White Angels in 6/Jun/2000 lagu casuumay Pérez xafladii aroos ee Míchel Salgado kaas oo guursanaayay gabar uu dhalay Sanz oo ah ninka uu tartanka kula jiro, gabadhaas oo lagu magacaabo Malula, xaflada sidoo kale waxaa kasoo qeybgalay xubnaha ugu sareeyo Real Madrid.
Pérez waxa uu weydiiyay madaxdii kasoo qeyb-gashay xaflada suaal ahyd, xidigee jeclaan lahaydeen in aan keeno Real Madrid hadii aan ku guuleysto doorashada?
Dhamaan kasoo qeyb-galayaashii xaflada waxa ay isku raaceen hal magac oo kaliyah, qof kalena ma ahayn ee waxa ay isku raaceen Luìs Figo, Pérez ayaana wacad ku maray in Figo uu keeni doono Real Madrid hadii uu ku guuleysto doorashada.