XOG DHAMEYSTIRAN: Super Star-kii Portugal Luis Figo iyo qaabkuu ugu biiray Real Madrid. Qeybtii labaad.




Kusoodhowaada qeybtii 2-aad ee qisada Luìs Figo iyo sidii uu ugu biiray Real Madrid.

Buugaag, warbixino iyo wakiilo waxaa ay sheegeen in Pérez uu kula kulmay qaab sir ah Figo iyo wakiilkiisa. Waxa ay kawada hadleen suurta galnimada in Figo uu ku biiro Real Madrid, waxa ay wada gaareen heshiis kaas oo ahaa in Figo uu ku biirayo Madrid hadii uu Pérez ku guuleysto doorashada Real, lana siinayo Figo mushaar fiican. Hadii Pérez uu ku fashilmo in uu ku guuleysto doorashada Madrid waxaa loo balan qaaday Figo iyo wakiilkiisa in lasiin doono lacag dhan $3m.

Figo iyo wakiilkiisa waxa ay u arkeen sadaxdaas Million hadiyad soo doonatay madama ay aaminsanaayeen in Pérez marnaba uusan ka guuleysan karin Sanz, fikirkaasna waxaa la qabay inta badan dadka. Heshiiska waxaa kale uu dhigayay in hadii Pérez uu ku guuleysto doorashada Figo-na uu kusoo biiri waayo Real uu bixin doono xidiga Portugal lacag cadadkeeda la isku qilaafay lkn sida ugu arjaxsan ee la sheego waxa ay ahayd in uu bixin doono lacag dhan $32m.

Hadaba waxaa laga yaabaa in aad is weydiiso heshiiskaas ma mid ansaxayaa mise waa sharci daro?

Heshiiskaas waxa uu ahaa mid qaanuuni ah lkn cabsidiisa wato, Pérez ayaana qaaday tilaabo waali ah waloow fikirkaas uu ahaa mid ay jecleysteen dhamaan tageerayaasha Real madama kooxda ay xifaaltamaan ay kaga adkaanayaan dagaal ka baxsan gudaha garoonka, arinkana kuma xirneyn in Figo waqtigaas uu ahaa xidigaha ugu fiican aduunka, bal waxaa xiligaas joogay Zidane,Rivaldo, Ronaldo iyo Del Piero kuwaas oo dhamaantood ka fiicnaa Figo lkn xidiga Portugal ayaa ahaa markaas astaanta Barcelona.

Khabarkaan waxa uu usoo baxay banaanka, magaalka waxaa la isla dhex marayay "Figo waxa uu doonayaa in uu ku biiro Real Madrid", warka waa uu sii xoogeysanayay maalinba maalinka ka dambeyso ilaa markii dambe Figo uu horyimid saxafada waxa uuna yiri:"waxaan idiin cadeynayaa in aan u ciyaari doono Barcelona Season-ka cusub, 24 July waxaan kusoo laaban doonaa towbarka kooxda", maamulka Barcelona waxa ay dareemeen xasilooni kadib shirkii jaraa'id ee Figo.

Dhanka kale caasimada Spain ee Madrid waxaa ka biloowday doorashada madaxtinimo ee Real. 10 July sanadkii 2000 Luìs Figo waxaa dhagihiisa kusoo dhacay warkii ugu muhiimsanaa waayihiisa ciyaareed kaas oo ahaa"Florentino Pérez ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimo ee Real Madrid"!!!.

Figo waxa uu la xariiray wakiilkiisa, waxa uu u sheegay in arinkii mustaxiilka ahaa uu iminka dhab noqday, xal deg deg ahna loo baahanyahay. Xidiga Portugal waxa uu ka cabsanayay taageerayasha Barcelona, asbuuc kadib Joan Gaspart ayaa asna ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee Barcelona.

Figo waxa uu u tagay Gaspart bal si uu u ogaado qorshihiisa, lkn Gaspart waa uu u deeriyay Figo waxa uuna u sheegay in Barcelona aysan sare u qaadi karin mushaarkiisa.

Intaas kadib Figo waxa uu war galiyay wakiilkiisa waxa uuna ku yiri:"isku day in aad si deg deg ah ula xaajooto Real Madrid, hadii aysan midaas dhicin ogoow in aan bixinaayo lacagtii aan ku heshiinay Pérez taas oo la micno ah in aan falisi doono, xabsina aan gali doono, adigana waad ila gali doontaa  xabsiga".

Ugu dambeyn Figo ayaa ka dagay Madrid, waxa uu xirtay maaliyada cad ee Real, aduun weynaha ayaana ka war helay mar qur ah mid ka mid ah wararkii Sports ee ugu cajiibsanaa caalamka kadib maandooriyihii lagu helay Maradona koobkii aduunka ee 1994-kii, khabarkaas oo ahaa ( Luís Figo ayaa si rasmi ah ugu biiray Real Madrid )!!!.

Uma baahno in la tilmaamo sida uu ahaa xiligaas xaalka jamaahiirta Barcelona!!!.

Waxa ay ahaayeen kuwo la yaaban wixii dhacay, rumeysan la' , dareemasanaa in la khiyaanay oo la dhagray, xanaaqu uu ka tanbatay!!.

Figo waxa uu la hadlay saxaafada kadib ku biiristiisii Real waxa uuna yiri:"kama helin maamulka Barcelona  ixtiraamkii iyo qadarintii aan ka mudnaa, ima aysan siin mushaar ii qalma, waxa ay ii muujiyeen in aana kooxda muhiim u ahayn".

Pérez waxa uu ugu soo bandhigay Figo Santiago Bernabéu sidii in Real uu ka caawiyay ku guuleysiga Champions League-gii 8-aad, waxa uuna xiligaas Figo noqday xidiga ugu qaalisan caalamka kadib markii Los Blancos ay shubtay lacagtii lagu burburin karay heshiiskii Figo oo ahayd £54million.

Film documentary ah oo looga sheekeynaayay waayihii ciyaareed ee Figo waxa uu ku beeniyay in uu jiro heshiis qarsoodi ah oo hor dhac ahaa oo uu la galay Pérez, waxa uuna Figo yiri:"ma ahi mid waalan mana sameyn arinkaas".

Josep Maria Minguella oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb qaatay in Figo uu kusoo biiro Barcelona waxa uu sheegay in Figo uusan awoodin in xaqiiqda uu banaanka soo dhigo,  ballana waxaa lagula galay in waligiis uusan banaanka soo dhigin heshiiskii qarsoodiga ahaa ee uu la galay Pérez.

Hadaba waxaa la gaaray waqti adag!!, kusoo laabashada Figo ee Camp Nou, sadax bilood kadib ku biiritaankiisii Real Madrid!!!.

Dhamaan taageerayaasha Barcelona waxa ay isku diyaariyeen soo dhoweynta wiilkoodii khiyaamay, waa ay iskala qeybiyeen ayaga oo wato dhalooyin, biro, budad i.w.m, qaar waxa ay kaga hor tageen Gagada diyaaradaha, qaar waxa ay ku sugayeen wadooyinka galo garoonka, qaar ayaa tubnaa banaanka garoonka, gudaha garoonka tiro badan ayaa soo gashay. Amniga waxaa loo adkeeyay si fcn, ilaalo khaas ah ayaa loo sameeyay Figo, Vicente del Bosque waxa uu usoo jeedshay Figo in keydka lagu soo bilaabo, xidiga Portugal waa uu diiday, waxa uuna codsaday in uu ka mid noqdo safka 1-aad ee garoonka galaya, waxaa uu la kulmayay Figo hanjabaad ah in la dili doono.

Inta aysan bilaaban ciyaarta ka hor waxaa garoonka soo galay xidigaha Real Madrid oo uu ku jiro shaqsiga ay ugu necebyihiin taageerayasha Barcelona aadanaha oo dhan, waa Luìs Figo.

Guti oo ka hadlayay dhacdadaas waxa uu yiri:"waxa ay ahayd mustaxiil in aad maqasho hadii saaxiibkaa uu kula hadlo, waxa ay ahayd mustaxiil, nolosheyda lama kulmin dhacdadaas oo kale".

Figo waxa uu isku dayaayay markasta in uu iska indha tiro sawaxanka taageerayaasha, waxa uu ahaa mid dhagaha gashto faraha, waxaa qeylada u dheereed in taageerayaasha ay kuso tuurayeen wixii ay heli karaan sida gasacado, dhalooyin, gaar ahaan marka uu soo qaadayo gees kalaadka ama uu tuuraayo laadadka xorta ah, ilaa markii dambe taageerayaasha ay kusoo tuureen madax Doofaar!!!, ciyaartaas Barcelona ayaa ku adkaatay 2-0 kadib goolal dhaliyeen Luis Enrique iyo Simão.

Xaqiiqatan saxaafada waxa ay ahaayeen kuwo saameyn weyn ku leh ciyaartan, waxa ay u buun-buuninayeen kusoo laabashada Figo ee Camp Nou si ka badbadis ah, lacag ayayna ka sameeynayeen, ilaa Alfredo Abian oo ahaa madaxweyne ku xigeenka majalada 

La Vanguardia ee kasoo baxdo Catalonia uu qoray maqaal uu ciwaan uga dhigay"Figo naga raali noqo".

Markasta oo Figo uu kusoo laabto Camp Nou waxaa loo soo dhoweynaayay si ka xun sidii hore, ciyaarta El Clasico ee ka dhacayso Camp Nou waxaa lagu dari jiray daqiiqado badan madama waqti badan uu beerdaro ku bixi jiray, waqtiga nasiinadana 15 daqiiqo waa laga badin jiray rafaadka iyo mashaakilka uu kulankaan wato aawgeed!!.

Figo waxa uu ku qaatay Real Madrid waayihiisa ugu fiicnaa kubada cagta marka loo barbar dhigo xiligiisii Barcelona madama Real uu la hantiyay horyaalka La liga, Uefa Champions League, xidiga aduunkana uu ku qaatay, lkn lowlaa Barcelona aysan ahaan lahayn heerkaas ma gaareen madama ay Barcelona hormiray xirfadiisa oo wax badan uu ka bartay Johan Cruyff, Bobby Robson iyo Louis van Gaal.

Dhamaad.


1 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post
maxaad qabtaa oo Suaal? hadey jawaab taada haa tahay fadlan WhatsApp nagala soo xariir adoo mahadsan
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...