Manchester United iyo Arsenal ayaa wada ciyaarayay kulan ka tirsan FA Cup, Arsenal kulankaas waxaa ka maqnaa Dennis Bergkamp iyo Thierry Henry, ciyaarta ayaana ka dheceysay garoonka Old Trafford-Manchester, waxa ayna sadaasha u badneyn in United ay guuleysan doonto, lkn gudaha garoonka wixii ka dhacay iyo saadaashu isma lahayn, The Gunners ayaana 2-0 ku garaacday Red Devils.
Arsenal waqtigaas waxa ay difaacaneysay horyaalka, xidigaha Gunners shacbiyadooda waa labo jirbaarmatay sida Bergkamp, Henry iyo Vieira, waxa uuna Ferguson dareemayay walwal ah in Arsenal ay la wareegi rabto awooda EPL.
Markii aan usoo noqano ciyaartaas, Ryan Giggs ayaa u gooyay shabaq ilaaliyihii Arsenal balse kubadaas banaanka ayay martay, kadib Arsenal ayaa hogaanka ku qabatay Own goal ay United iska dhalisay, goolka labaad ee Arsenal waa midka mashaakilka ka dhex abuuray Ferguson iyo Beckham. Xidigaha Arsenal ayaa weerar ahaa, Beckham oo ahaa xidiga ugu dhow ee raacan karay xidigii kubada jiidayay waa uu ka gaabiyay, weerarkaasna waxaa gool u badalay Sylvain Wiltord, ciyaarta ayaana ku dhamaatay natiijadaas 2-0 ka ah.
Waxa ay ahayd natiijo uu laqi waayay Ferguson, maadama kooxdiisa oo Home ah ay garaacday Arenal oo xidigo muhiim ah ay ka maqanyihiin. Intaas kadib Ferguson waxa uu dhaliil usoo jeedshay Beckham, lkn xidiga England aya ugu jawaabay macalinkiisa aflagaado, waliba waxa uu ku caayay muuqaalkiisa, Ferguson ayaana caradiisa celin waayay ilaa uu ku tuuray Beckham kabo Sports, wajiga ayayna ka wax yeeleeyeen!!.
Beckham waxa uu isku dayay in uu ka falceliyo kabta wajiga ka haleeshay lkn xidigihii United ayaa hor joogsaday si arinku uusan usii weynaan. Intaas kadib xidiga England ayaa ka noqday keyd kooxda ilaa dhamaadka xili ciyaareedka.
Season-kaas waxaa Champions League-ga isku beegmay Real Madrid iyo Manchester United, ciyaartii hore oo ka dhacday Madrid kooxda England ayaa lagu soo garaacay 3-1, Beckham ayaana inta aysan bilaaban ciyaarta ka hor si ka badbadis ah u salaamay xidigaha Real Madrid, asaga oo aad moodo in uu diraayo fariin ah, waxaan kusoo wajahanahay dhankiina Season-ka dambe, lkn ciyaartii ka dhacday Manchester, Beckham waxaa lagu soo bilaabay keyd, kooxda Spain ayaana hogaanka ciyaarta ku qabatay 2-3, lkn Beckham oo badal kusoo galay ciyaartaas ayaa natiijada dhanka kale u rogay United ayaana 4-3 ku adkaatay. Kadiba ciyaarta waxaa la isla dhexmaray in David Beckham uu ku biiri doono Real Madrid dhamaadka Season-ka, waxa ayna noqatay xaqiiq oo Beckham ayaa ugu dambeyn ku biiray kooxda caasimada Spain.
Markii uu dhamaaday Season-ka, Ferguson waxa uu ku war-galiyay maamulka United in aysan kooxda isla joogeen xidig xadka khilaafkooda uu heerkaas gaaray, maamulka United ayaana heystay hal doorasho oo ah imaa Beckham ama Ferguson, maamulka Man United ayaana doortay in ay ceshtaan Ferguson, qalcada Old Trafford ayuuna ka baxay David Beckham.
Beckham waxa uu dhoor jeer ka hadlay sababtii uu kaga tagay Manchester, waxa uuna yiri:"ma jecleen in aan ka tago United, lkn dhacdadaas kadib qaabkii la iila dhaqmay ayaa igu qasabtay in aan ka tago kooxdii aan kusoo barbaaray". Xidiga England waxa uu hadalkiisa kusii daray:"markii aan ka tagay Manchester sadax xili ciyaareed ma fiirsan kulan ay ciyaareyso, natiijo la dhalatay qaabkii foosha xumeyd ee aan kaga tagay kooxda".
Ferguson dhankiisa mar wax laga weydiiyay ka tagistii Beckham ee Old Trafford waxa uu yiri:"biloowgii Season-kii 2002/2003 hoos u dhaca ka muuqday David waa la dareemi karay, qaab ciyaareedkiisa aad ayuu u liitay, juhdiga uu ku bixinayay toobarka waa uu yaraa, waxa uu in badan diirada saarayay waxyaabo khaas u ah asaga sida ganacsigiisa iyo xiriirka kala dhexeeyay xaaskiisa".
Ferguson ma ahan nuuca macalin ee xidig go'aan kaga gaaro hal kulan, lkn habdhaqanka qaabka daran ee Beckham waxa ay ahaayeen kuwo soo laalaabtay.
Waxaa la sheegay in Beckham uu maalin u safray Ireland asaga oo aana ogeysiin macalinka si uu ula kulmo xaaskiisa, kooxdana waxa ay lahayd kulan maalinka xiga, waxa uu yimid subixii dambe aroortii asa oo aana seexan ayuuna kooxda la safray aad ayuuna uga xumaaday Sir-ka habdhaqanka uu lasoo baxay Beckham ee aan dhamaadka lahayn!.
Gunaanadka qisada:
Waxa ay ahayd dhacdo dhex martay xidig xooga saaray ganacsigiisa khaaska ah iyo macalin ujeedkiisa uu cadaa, kaas oo doonayay natiijooyin wacan, United ayaana qaadatay go'aankii ugu saxnaa oo ah diritaanka Beckham, waxa ayna natiijada noqatay mid labada dhinacba ay ku faa'ideen, oo Beckham waxa uu sii hormariyay ganacsigiisa, waayihiisii Spain ilaa USA, halka Ferguson uu asna ka maarmay Beckham, gadaashiisna uu horay usii tilaabsaday, waxa uuna Manchester ku hogaamiyay guulo waaweyn oo laga xusi karo UCL-gii 2008-dii.