Mucjisadii Denmark ay ku qaaden tartankii Euro 1992.

Denmark xiligii hore iyo xiligaasba looma tixgalin jirin in ay kamad tahay kabweynta kubada cagta Yurub balse waxii ka danbeeyayay 1982-kii kubada cagta Danish-ka hore u socod muuqdo ayay sameyneysay.

Waxay si xariir ah uga soo qeyb galeen tartano is xig-xigo [Euro 1984-Franca, World Cup 1986-Mexico iyo Euro 1988-Germany], si kale hadii aan u dhigo, 1984-kii markoodii labaad ayay ka qeyb galeen tartanka qaramada Yurub, halka markoodii ugu horeeysay taariikhda ay kasoo muuqdeen koob aduun 1986-kii.

Waqtigaas kadib waxa ay ku dhibtoodeen in ay kasoo qeyb galaan tartan caalami ah [Euro ama World Cup], si xiriir ah ayay ahaayeen kuwo ugu haro is-reeb reebka sadax tartan oo is xiga [World Cup 1990-Italy, Euro 1992-Sweden iyo World Cup 1994-USA].

Laga-yaab in aad iswaydiiso sidee dal ku haray is-reeb reebka tartanka qaramada Yurub 1992-kii ugu suuraga gashay in ay ku guuleystaan koobkaas hayeeshee jawaabta is weydiintaas qormadaan ayaad ka heli doontaa.

OLOLIHII XULKA DANISH-KA EE TARTANKA QARAMADA YURUB 1992-KII.

Xulka Danish-ka waxay ku group noqdeen dalalka kala ah Yugoslavia, Northern Ireland, Austria iyo Faroe Islands.

Xulka Denmark waxay ku bilowdeen is-reeb reebka si daciif ah, kulankoodii labaad waxa ay isku garbo dheceen Northern Ireland, halka kulankoodii sadaxaad ay kala kulmeen Yugoslavia khasaaro 2-0 ah, balse 5 guul oo xariir ah ayay gaareen oo ay ku jirto guul safar ay kaga soo gaareen Yugoslavia oo group-ka ugu awood badneyd taas oo ka dhigan in group-ka ay kaga dhameysteen kaalinta labaad sidaasna Yugoslavia ayaa toos ugu aaday Sweden.

SIDEE DENMARK  UGA SOO QEYB GASHAY EURO 1992-KII.

Sanadkii 1992-kii waxaa Yugoslavia ka dhacay dagaalo lagu hoobtay, wxayna qaramada midoobay soo saartay bayaan nuxurkiisa uu ahaa in aysan tagi karin duulimaadyada calamiga ah Yugoslavia sidoo kale in aan lala yeelan karin iskaashi waxbarasho, cafimaad iyo mid bulsho dalkaas si lamid ah waxaa laga joojiyay ka qeyb-galka dhacdooyinka Sports-ka.

31 May 1992-kii xiriirka kubada cagta Yurub  ee UEFA ayaa soo saaray bayaan qeexaayo in tartanka Euro 1992-kii  laga saaray xulka Yugoslavia oo ka mid ahaa dalalkii usoo baxay tartanka, xili 11 cisho ay ka harsaneyd bilaabashada koobka waxayna sheegen in lagu badalay wadanka Denmark 🇩🇰 oo ay isku group ahaayen iyagoo fulinaayo cunaqabteyntii qaramada midoobay.

Xidigaha Denmark ayaa markale la iskugu yeeray bal si ay uga qeyb galaan tartanka Euro. Labada walaalo ee kala ah Brian Laudrup iyo Michael Laudrup waxa ay ahaayeen kuwo iskaga fadhiistay ciyaaraha heerka caalami kadib fashilkii Demmark ee is-reebreebka Euro 1992-kii balse Brian waxa uu  badalay go'aankiisa oo qaranka dib ayuu ugu soo laabtay halka walalkiis ka weyn ee Michael uu ku adkeystay go'aankiisii, waana xaqiiq in Michael go'aankaas uu ka qoomameeyay!.

Danish-ka waxa ay galeen Group adag, waxaana ku wehliyay Group-ka Sweden oo marti galiyayasha tartanka ahaa, England iyo Franca. Sidii la filaayay ayay ku bilaawdeen tartanka ayaga oo barbar dhac la galay England ciyaar uu xidig sare ka ahaa Peter Schmeichel kaas oo hor istaagay dhamaan isku dayadii England halka kulankii xigay ay khasaaro 1-0 ah kala kulmeen Sweden oo ah marti galiyayasha tartanka. Ilaa iyo iminka Denmarka tartanka wax gool ah kama dhalin, guulna ma aysan gaarin waana arin la filan karay oo aan qariib ahayn.

Mucjisada Denmarka 🇩🇰 waxa ay ka bilaabaneysaa bartan ayaga oo wajahayo kulanka ugu dambeeyo Group-ka Franca oo watay saf xoogan oo aan ka xusi karno Éric Cantona, Jean-Pierre Papin, Didier Deschamps iyo Laurent Blanc waxaana macalin u ahaa xulka diiqyada Michel Platini. Danish-ka waxa ay soo bandhigeen ciyaar fcn waxa ayna 2-1 ku garaaceen Franca, kulankaas ayaana sabab u ahaa in Michel Platini uu gabi ahaanba iska joojiyo ku bariiseenta xirfada macalinimo.

Waxa ay iska xaadiriyeen Danish-ka Semi final-ka tartanka qaramada Yurub waxa ay wajahayaan Holland kuwaas oo watay jiil dahabi ah waxaana ugu madax fiiqnaa Marco van Basten, Frank Rijkaard, Ruud Gullit, Ronald Koeman iyo da' yarka cajiibka ah ee Dennis Bergkamp.Qaranka Denmark ayaa kulankaas ciyaaray ciyaar loo tix galiyo kulankii ugu fiicnaa taariikhda xulka Denmark, Larsen ayaa hogaanka u dhiibay Danish-ka daqiiqadii 5aad ee ciyaarta balse Bergkamp ayaa barbar dhac ka dhigay kulanka, markale Larsen ayaa hogaanka u dhiibay Danish-ka daqiiqadii 33aad lkn Rijkaard ayaa Hollandes-ka kusoo celiyay neefta daqiiqadii 86aad ee dhamaadka ciyaarta, ugu dambeyn waxaa la iska gaaray gool ku-laadyo, Peter Schmeichel ayaa ka qabtay Van Basten rigooradii labaad ee Hollandes-ka ay tuurtaan halka Danish-ka ay wada dhaliyeen dhamaan shantii gool ku-laad sidaas ayayna iskaga xaadiriyeen kama dambeysta tartankii qaramada Yurub 1992-kii!!.

Ciyaarta final-ka koobka Euro 1992-kii waxa iskugu yimid Denmark iyo Germany, kulankaan ayaana lagu ciyaaray magaalada Gothenburg ee dalka sweden. Danish-ka mucjisadooda in ay dhameystirnato taariikhna ay sameeyaan  waxaa ka xigto hal tilaabo waana in ay dhaafaan Germany oo bilaa Matthäus ah kaas oo tartanka ku seegay dhaawac balse Die Mannschaft ayaa watay saf xoogan waxaana calanka u siday Jürgen Klinsmann, Rudi Völler, Andreas Möller, Matthias Sammer iyo Andreas Brehme.

Germany ayaa si awood leh ku biloowday ciyaarta, Peter Schmeichel ayaana labo fursad oo gool ah ka badbaadiyay xidigihii kala ahaa Stefan Reuter iyo Guido Buchwald biloowgii ee kulanka balse daqiiqadii 18aad ee ciyaarta Denmarka aya goolka Germany la bartilmaameedsatay darbadii ugu horeysay waxa ayna darbadaas isku badashay gool waxaana magaciisa ku qoray goolkaas John Jensen, waxa uuna Jensen u ahaa goolkiisii ugu horeeyay ee Danish-ka uu u dhaliyo 48 kulan oo uu matalay.

Germany waxa ay ahayd weerar, Denmark  daafac ayay ku jireen, kaliyah weerar rogaal celis ah ayay gaadayeen, ciyaarta oo 12 daqiiqo ay ka harsantahay Danish-ka ayaa la yimid goolkii labaad waxaana shabaqa ku hubsaday Kim Vilfort sidaas ayayna riyadii Danish-ka u rumoowday mucjiso taariikhi ahna loo diiwaan galiyay.

In dal uu ku haro is-reeb reeb hadana nasiib uu u yeesho in uu kasoo qeyb galo tartankii uu ka haray, kadibna uu garaaco Franca oo ahayd horyaalka Yurub 1984-kii, intaas kadib uu cagta mariyo Holland oo tartanka difaacaneysay, final-kiina uu fiidnimo baartay Germany oo ahayd Champion-ka aduunka maxaa ku tilmaami lahayd akhriste?

Denmark's John Jensen holds the trophy aloft after the 2-0 win against Germany at EURO '92©Bob Thomas/Getty Images



Post a Comment (0)
Previous Post Next Post
maxaad qabtaa oo Suaal? hadey jawaab taada haa tahay fadlan WhatsApp nagala soo xariir adoo mahadsan
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...