Davide Nicola waa xidig hore oo Talyaani ah una soo ciyaaray kooxo badan, Genoa ayuuna ku qaatay waqtigiisa ugu badan, iminkana waa macalinka kooxda Seria A-da ciyaarta ee Salernitana.
April 8, 2000 kulan ka tirsan Seria B-da Talyaniga ayaa dhex maray Genoa iyo Atalanta labadaan koox ayaana ku hartamayay boosaska loogu soo dalaco horyaalka heerka koowaad ee Talyaaniga.
Nicola ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 28-aad, laacibkaan ayaana ugu dabaal-dagay goolka si aan caadi ahayn madama kulanka uu ahaa mid muhiim ah, waxa uuna ku orday garoonka in badan, shucuurkiisa ayuu xakameyn waayay ilaa uu la dabaal-dagay gabar ka tirsaneyd ciidanka amniga ee garoonka oo uu shumiyay, dadka dhan ayaana u qaatay dhacdadaas mid caadi ah una arkayay xidig shucuurkiisa xakameyn waayay kolkii uu dhalshay gool muhiim ah marka laga reebo hal qof oo dhacdadaas ka xumaaday, qof kalena ma ahan ee waa xaaskiisa oo ciyaarta gurigeeda ka daawaneysay.
Ciyaarta markii ay dhamaatay kadib Davide Nicola waxa uu kusoo laabtay gurigiisa asaga oo faraxsan, hadiyad ayuu usoo qaaday xaaskiisa, markii uu guriga yimid waxa uu ku bilaabay xaaskiisa in uu kaga waramo ciyaartii asaga oo leh, xabiibtii ma aragtay goolka aan dhaliyay iyo guusha aan gaarnay!?.
Xaaskii ayaa ugu jawaabtay ha ii dambeyso ciyaarta ee maxay ahayd naagta aad shumisay!.
Nicola ayaa ugu jawaabay xaaskiisa:"waxaan ahaa mid faraxsan oo dareenkiisa xakameyn waayay mana aqaan xitaa gabadhaas in ay taageerto Genoa, arinkaas waxba haka soo qaadin xabiibti ee bartaas uga har". Xaaskii ayaa tiri bal waayahay.
Xaaskii bartaas ugama harin arinka, waxa ay baaritaan dhan kasta ah ku bilaawday ninkeda, taleefanadiisa, goobaha uu aado markii xaafada uu ka maqanyahay, saaxiibadiisa ugu dhow i.w.m. Labo bil kadib xaaskii waxaa u suurto gashay in ay hesho xog dhameystiran, waxa ayna ogaatay in Nicola uu xiriir la leeyahay gabadhii uu shumiyay ee ciidamada amniga garoonka ka tirsaneyd, bartaas ayay kaga dalbatay furiin, waa uuna furay, arinkii ayaa ku faafay magaalka oo dhan mudo ayaana la hadal hayay.
Hadaba sheekadaan maxaa ka baran karnaa.?
Waa sheeko khaas u ah xaaslayaasha waxa ayna ka baran karaan in ay ka fiirsadaan jawaab celinada ay ka bixinayaan dhacdooyinka farxada leh ee noloshooda soo mara, hadii taas aysan dhicin waxa ay la kulmi doonaan wixii ku dhacay Davide Nicola oo kale.
Waan aqriyay warbixintaan aad sidda farshaxaneysan noogu soo diyaarisay, waane kaaga mahadcelinaa saaxiib.
ReplyDeleteadigaa mudan sxb
Delete