Hadaba waxaan idin
soo gudbin doonaa shan sadaal oo marnaba
aana ka go’eyn maskaxda tageerayasha kubada cagta.
1-
Saadashii Dietmar Hamann uu ka bixiyay markii loo magacaabay macalin Claudio
Ranieri kooxda Leicester City.
Hamann waa xidig
horevoo Jarmal ah isagoo horay ugu soo ciyaaray kooxo badan oo ka dhisan qarada
yurub sida Bayern, LFC iyo City.
Maalinkii la magacaabay macalin Claudio Ranieri ayuu bartiisa uu ku
leeyahay aalada Twitter-ka kus soo dabacay ama kusoo qoray hadal aha sida tan:
“Waan aamini la’ahay in kooxda Leicester ay macalin ka dhigatay Claudio
Ranieri, Leicester waa koox weyn oo tageera yaal badan leh waxaan ka cabsanayaa
in xaagaga xigo MK la ciyaari doontaan adinka oo sugaya Old Trafford in aad ku
ciyaartan”.
Milton Keynes Dons F.C. waa kooxdii uu kusoo gaba gabeeyay Hamann kubada cagta eyadoo sanadkaas ka ciyaraysay horyaalka heerka labaad ee ingiriiska. Ranieri ayaa Leicester ka saciday in uu horyaalka EPL-ka u qaado. Waxayna ka dhigneed sadasha Hamann in ay aad iyo aad u xumeed lkn sadaal xumadii Hamann ayaa sii labo jibaar matay kadib markii kooxdiisii hore MK ay u laabatay horyaalka heerka saddexaad ee ingiriiska.
2.
Sadashii Pele ee koobkii aduunka 1994-kii.
Xulka qaranka
Colombia ayaa wacdaro ku muujiyay isreeb-reebkii loogu soo baxaayay koobkii
aduunka ee 1994-kii lagu marti galiyay USA xitaa waxay gurigooda kulamadii
loogu soo baxaayay koobka aduunka ku garaaceen xulka qaranka Argentina natiijo
5-0 ah waliba xulkaas waxay wateen xidigo magac iyo maamus lahaa kuwaas oo ay
ku jireen Fernando Redondo, Gabriel Batistuta, Diego Simeone iyo xidigo kale.
Xiligii uu soo
dhawaaday koobkii aduunka ayaa Pele horyimid saxafada isagoo
yiri:"wadankaan Colombia waxuu wataa shartiisa waxaana u malaynayaa in uu
hanan doono koobka aduunka ee 1994-kii ee lagu marti galinaayo USA”. Lkn
Colombia ayaa waji gabax kala kulantay koobkaas aduunka eyadoo ciyaartii
furitaanka ay qasaaro kala kulantay Romania halka kulankii labaad ay guuldaro
kala kulantay xulka koobka marti galinaayay koobka waxayna noqdeen xulkii ugu
hoseeyay group-kooda.
Koobka aduunka ka hor
hadalka pele waxuu ahaa mid loo adeegsato ama lagu cabiro awooda wadanka
Colombia lkn koobkii aduunka kadib hadalkii pele waxa uu ahaa mid loo
tix-galiyo sadaal xumo.
3-Messi
waligiis madax gool kuma dhalin doono.
Xagaagii 2008-09 waa
xiligii uu bilaabanaayay ama curdunka ahaa tartanka Messi iyo Ronaldo wayahooda
ciyaared, saxafadana ay in badan is bar bardhigi jirtay labada xidig, waxa ayna
sanad kaas iska xadiriyeen Super Star-adaan
Final-ka tarka Champions league xili messi uu katirsanaa Barcelona halka
CR7 uu ka tirsanaa kooxda Manchester United Final tartankaas ayaana ka
dhacaayay magalada Roma ee casimada Talyaaniga. Terry Venables oo ahaa macalin
soo layliyay kooxda Barcelona intii u dhaxaysay 1984-87 kulana guulaystay
horyaalka La liga iyo koobka boqorka ayaa saxafada hor yimid isagoo sheegay in
aan marnaba la isla bar bardhigi karin Messi iyo Ronaldo.
Ronaldo wa mid
kaciyaari karo labada gabarab ee weerarka ah sidoo kale waxuu ka ciyaari karaa
numberka 9-ka ah balse Messi kaliya waxuu ka ciyaari karaa hal garab kaas oo ah
garabka number 7 waxuu kale uu ku liitaa in uu madax gool ku dhaliyo.
Terry Venables oo
hadalkisa sii wato ayaa dhahay “ Messi in uu gool madaxa ku dhaliyo waa
mustaxiil xitaa hadii koofi madaxa loo galiyo”
Lkn Final-kii
Champion league Messi ayaa dhaliyay mid kamid ah golashii ugu qurxanaa ee madax
lagu dhaliyo lagana dhaliyo tartanka Champions league isagoo ka dhaliyay boorte
jogiisa dheeryahay kanana dhex kacay difaacyo dhaadeer.
4-Saadaashii
Johan Cruyff ee final-kii UCL 1994-kii.
Kooxdii uu watay
macalin Fabio Capello ee Ac Milan waxaa ku jiray dhawacyo badan halka kooxda
barcelona aysan wax dhawac ah qabin. ciyarta kahor waxaa laga hayaa macalinkii
kooxda Barcelona in uu ku yiri shirkisa jaraid:
“Barcelona ayaa ku
cad cad in ay qaado koobka, Waan dhamaystiranahay, waan ka qibrad badanahay,
waana ka fiicanahay xag walba. qaab ciyaareedkooda waa mid difaac anagana
waxaan ciyaarnaa kubad furan oo weerar ah”. Lkn kooxdii Fabio Capello ayaa 4-0
ku maasheysay kooxdii Johan Cruyff, kooxdii difaaca aheed ayaa inta difacatay
hadana 4 gool ka dhalisay kooxdii ismahdisay.
Lama oga hadalkaas
waxuu ula jeeday macalinka Barcelona ma in ay ka aheed jees jees ama ciyaar
maskaxeed. Balse final-kaas waxaa loo tixgaliyaa in uu yahay final-kii koox la
kulanto qasaarihii ugu weynaa tariikhda champion league nidaamkiisa cusub.
5-Pavel
Nedvěd malahan hibo kubadeed- Karol Dobiaš
Mucjisadii hore ee xulka qaranka Czech iyo koxaha kala ah Sparta Prague, Lazio iyo Juve ayaa sheegay kadib markii uu ku guulaystay kubada dahabka ah ee Ballon d'Or sanadkii 2003-dii hadal uu hada kahor dhahay macalinka kooxda Sparta Prague ninka lagu magacaabo Karol Dobiaš in uu yiri: “malihid wax hibo kubad ah ee waqtiga aad kubad galin laheed wax kale gali si aad uga faidaysto”.
Ogaada Karol
Dobiaš waa xidig hore ee xulka qaranka
Yugoslavi kula guulaysty koobkii qaramada qarada yurub 1976-kii ahaana xidig
lahaa xirfad iyo hibo kubadeed kuna soo bilowday finalkii rigoorayasha ay
dalkiisa ku garaaceen West Germany.
Karol Dobiaš sida uu
u xifrad badanaa uma sadaal fiicneen.
![]() |
Qoraalkii uu ku weeraray Hamann macalin Ranieri. |
![]() |
pavel nedvěd oo ku sawiran ballon d'or |
Dhamaad.