Mobutu Sese Seko waxa uu ahaa madaxweynihii hore ee Zaire/Democratic Republic of the Congo, waxa uuna ku sifeysnaa in uu ahaa kaligii taliye.
Intii lagu gudan jiray is reebreebkii koobkii aduunka ee 1974-kii uu marti galiyay Jarmalka, Mobutu waxa uu ka balan qaaday xidigaha xulka qaranka ee DRC hadii ay usoo baxaan koobka aduunka in uu siin doono xidig walba abaal marin lacageed. Dadaal badan oo ay bixiyeen kadib xidigaha DRC waxa ay iska xaadiriyeen Germany oo ahaa marti galiyayasha koobkii aduunka 1974-kii, balse markii la yiri abaal marinadii na sii, waan usoo baxnay koobka aduunka, Mobutu ayaa muddeeyay laacibiinta qaranka oo ku yiri:"waa iga diyaar abaal marinada balse ka qeyb qaata koobka aduunka oo heer fiican ka gaara, hadii aad tiigsataan heer fiican, waa ballan waa idiin kordhinayaa abaal marinada"
Waxa ay ka qeyb galeen koobka aduunka nasiib xumo waxa ay ku group noqdeen Brazil oo koobka difaacanayay, Scotland oo awood ahan iska meel dhexaad ah iyo Yugoslavia oo xiligaas ahaa dal adag.
Ciyaartii koowaad Dortmund ayay kula ciyaareen xulka Scotland waxa ayna la kulmeen guuldaro 2-0 ah. Mobutu waxa uu laso xariiray ciyaarta kadib xidigaha DRC waa uu canaantay waxa uuna u sheegay in guuldaro uusan aqbali karin, hadii guuldaro kale ay la kulmaanna uusan wax abaal marin ah siin doonin.
Xaalku markii uu halkaas marayo, xidigaha DRC waxa ay u sheegeen macalinka in aysan ciyaari doonin kulanka xiga hadii uu Mobutu shaki galiyay abaal marintii. Macalinka ayaa la xariiray Mobutu una sheegay warka kasoo yeeray xidigaha qaranka, balse Mobutu oo ahaa dhiigyo cab ayaa ku yiri xidigaha:" ma jiro shaqsi diidi karo in uu ciyaaro, xidigii diido in uu ciyaaro ha ogaado in aan dabar jari doono qoyskiisa oo dhan!!".
Laacib kasta qasab ayay ku noqatay in uu ciyaaro maadaama Mobutu uusan kasoo yeerin hadal jilcan. Kulankii xigay Yugoslavia ayay kula ciyaareen Gelsenkirchen balse markaan 9-0 guuldaro ah ayay la kulmeen. Shaqsi ka xumaa guuldaro 2-0 ah siduu ku aqbali karaa natiijo 9-0 ah!!!
Mobutu waxa uu lasoo xariiray xidigaha, waxa uu u canaantay si daran, waxa uuna u sheegay in uusan aqbali karin khasaaro ka badan 3-0 hadii ay dhacdo midaasna aysan xidigaha qaranka dib ugu soo laaban karin Congo xidigii soo laabtana uu dabar jari doono qoyskiisa oo dhan!!.
Xaalku ma sahlana, Zaire waxa ay wajihi doontaa Brazil oo guul u baahan, labo barbarana soo gashay, waliba laga rabo in ay dhaliso goolal badan si aysan ugu harin farqiga goolasha, Zaire-na guuldaro 3-0 ka badan hadii ay la kulanto khatar ayay ku jiraan xidigaha oo Mobutu ayaa meel u fadhiya!!.
Zaire iyo Brazil waxa ay ku wada ciyaareen Gelsenkirchen. Ciyaarta inta aysan bilaaban ka hor xidigaha Zaire waxa ay la wadaageen xaalkooda kuwa Brazil, waxa ayna ka codsadeen in 3-0 ka badan aysan kaga badin, hadii kale naftooda ayay weynayaan, ehelkoodana ay halis ku jiraan.
Ciyaarta markii ay mareysay 10 daqiiqo Brazil ayaa ku hogaanka ku heysay 3-0, wax yar kadib Brazil waxa ay heshay laad xor ah, waliba meel u dhow goosha, markii laadka xorka ah uu tuuri maagay xidigii Brazil, laacib Zaire ka tirsan ayaa soo orday sidii ciyaalka xaafada ayuu kubadii tuuray!.
Xaalkoodu ma fiiceen xidigaha Ziare, Brazilian-ka markii ay arkeen xidigaha Ziare xaalkooda gool dambe kama aysan dhalin ciyaarta ayaana ku dhamaatay 3-0.