Romelu Lukaku Season-kiisii koowaad ee Inter waxa uu dhaliyay goolashii ugu badnaa ee loo dhaliyo kooxda reer Italy hal fasal ciyaareed tan iyo Luis Ronaldo fasal ciyaareedkii 1997-98 [34 gool].
Raheem Sterling markii uu jiray 25 sano waxa uu dhaliyay goolal ka badan inta uu dhaliyay waayahiisa ciyaareed xidigii Portugal Luis Figo.
Olivier Giroud ayaa kaga fiican Filippo Inzaghi celceliska [daqiiqado] goolal+caawin waayahooda ciyaareed, Giroud [117 daqiiqo kasta waxuu sameynaayay G/C], Inzaghi [130 daqiiqo kasta waxuu sameynaayay G/C].
Maxay xidigaha casrigaan uga stats fiicanyihiin xidigihii hore. Waa mowduuca aan ku lafa guri-doono qormadaan.
Markii aad eegto xidigaha casrigaan dhanka numbers-ka in badan ayay ka horeeyaan kuwii hore, dadka qaar ayaa aaminsan in jiilkaan ay ka fiicanyihiin jiilkii hore, suurto gal ma tahay midaas?
Waxaa jirto sadax arin oo la sheego in ay sabab u tahay in xidigaha casrigaan ay kaga fiicnaadaan dhanka stats-ka kuwii hore. Sadaxdaas arin ayaana kala ah.
1)Technology-ada casriga ah.
David Epstein oo ah investigative reporter ayaa mid ka mid ah hadal jeedinadiisii TED TALK sanadkii 2013-kii waxa uu ku sheegay in Eddy Merckx uu dhigay record dhanka fogaanta la jaro hal saac ayada oo la adeegsanaayo baaskiil caalamka sanadkii 1972-kii, Eddy Merckx ayaana hal saac ku jiray fogaan dhan 30.715 miles oo u dhigmata 49.431km, record-kaan ayaana la waayay cid u dhowaata ku dhowaad rubac qarni, balse wixii ka dambeeyay sanadkii 1996-kii waxaa soo baxay shakhsiyaad badan oo awood u yeeshay in hal saac ay ku jiraan fogaan dhan 35miles.
Biloowgii qarnigaan hey'ada qaabilsan tartanka Baaskiilada ayaa soo saartay bayaan waxa ayna sheegeen in recordka Eddy Merckx uu baaqi yahay oo cid jabisay uusan jirin, qofkii rabto in uu jabisana laga rabo in uu adeegsado Baaskiil la mid ah kii uu adeegsaday Eddy Merckx markii uu recordkaan dhigayay sanadkii 1972-kii, shakhsiyaad badan ayaa sameeyay isku day balse waxaa la waayay cid sameysa farqi weyn, shakhsigii ugu fiicnaa ayaa recordkii Merckx ku daray 800m oo kaliyah. Waxaan filaya in aad bartaan ka aragteen farqiga u dhexeeya baaskiilada iminka la adeegsado iyo kuwii hore.
Sidaas oo kale xidiga casrigaan waxa ay adeegsadaan agab ka hormarsan kana fudud kuwii ay adeegsan jireen xidigihii hore. Kubada iminka lagu ciyaaro waa ay ka fududahay kubadihii lagu cayaari jiray, funaanadaha iyo buumooyinka lagu cayaaro iminka waa ka fududyihiin kuwii hore, si la mid ah kabahii hore loogu ciyaari jiray iyo kuwa iminka lagu ciyaaro farqi ayaa u dhexeeyo. Kabihii ugu horeeyay ee loosoo saaray in kubad lagu ciyaaro waxaa la sheegay in culeeskooda ay ahaayeen 0.5kg, balse iminka xaalku sidaas ma ahan, Adidas ayaa mar aan fogey Messi u sameeysay kabo culeyskooda ay ku sheegtay 130g.

Jiilkii hore dhaawacyada in ay kasoo bogsadaan waqti dheer ayay ku qaadan jirtay, sidoo kale hadii laacib uu la kulmo dhaawac halis ah inta badan waayihiisa kubada cagta waa ay soo gabagaboobi jirtay [Marco van Basten iyo Uli Hoeneß oo kale] balse iminka arinku sidaas ma ahan. Xidigaha waxa ay kusoo bogsadaan waqti yar sidoo kale xidig in uu la kulmo dhaawac halis ah kubada cagtana uu kaga fadhiisto waa arin naadir ah.
Waxaa jiro farqi weyn oo dhanka lifestyle-ka ah labada jiil[cuntada, huradada, nolosha qaaska iyo i.w.m].
Laacibiintii hore lifestyle-kooda waxa uu ahaa keena oo kale, waxkasta ayay cuni jireen cabina jireen, si la mid ah hurdada muhiimad badan lama siin jirin, taas ayaana sababtay in consistency-goda uu liito dhaawacyana ay u nugulaadaan.
Ka hor geeridiisii, documentary-gii ugu dambeeyay ee laga diyaariyay Diego Maradona waxa uu ku sheegay in ay dhib ku ahayd xiligoodii 2 kulan in ay dheelaan hal asbuuc, caadana ay u ahayd hadii sabti ama axad uu kulan dheelo in tababarka uu kuso laabto maalinta khamiista ah si uu kulanka xiga iskugu diyaariyo balse iminka xaalku sidaas ma ahan, asbuucii 2 kulan in la dheelo waa normal, horyaalada qaar sida EPL bisha December waxaa laga yaabaa in 8 kulan ay dheelaan kooxaha.
Waqti dheer adiga oo aadin bartamihii sagaashameeyadii caadi ayay ahayd laacibiinta in ay cabaan khamri ciyaarta ka hor iyo kadibba. Arsène Wenger waxa uu ahaa ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu horeeyay ee dhaliilay stylelife-ka xidigaha kubada cagta, waxa uuna yiri waqtigaas:"waxkasta in ay cunaan ama cabaan dhib ayay u geysaneysaa jirkooda, bandhigoodana saameyn ayay ku yeelaneysaa, waxaa haboon xidigha kubada cagta in lifestyle-kooda ay wax ka badalaan".
Alex Ferguson waxa uu ka mid ahaa dadkii kasoo hor-jeestay fikirkii Wenger waxaana laga hayaa in uu yiri: "Arsène ha ula laabto Japan dhaqankaas".
Ferguson ayaana tababare u ahaa xiligaas Roy Keane oo caadadiisa ay ahayd in uu cabo khamri ciyaarta ka hor iyo kadibba.
Xidigaha waqtigaan cuntadooda aad ayaa looga taxadaraa, looma ogola in waxkasta ay cunaan ama cabaan, waana mida ka saaciday in ay lahaadaan fitness fcn oo ka saacida in garoomada ay ku jiraan mudo dheer kana consistency fiicnaadaan jiilkii hore.
2)Data: inkasta oo ay tahay qeyb ka mid ah technology-ga hadana kubada cagta labo qaab ayay saameyn ugu yeelatay.


Warbixin ay soo saartay TwentyFirst Grp 2021-kii waxa ay ku sheegeen in qiimaha xidigaha da'da yar uu siyaaday 50% tobankii sano ee lasoo dhaafay.
Xiligii hore xidigaha ayagoo da' ahaan weyn ayaa lacago badan laga bixin jiray kuna biiri jireen kooxo kale si waayahooda ciyaareed u qurxiyaan, balse iminka sidaas ma ahan xaalku.
Tusaale:
●Zidane xidiga ugu qaalisan caalamka waxa uu noqday asaga oo 29 jir ah.
●Real Madrid waxa ay ku kharash beeshay Figo asaga oo 28 jir ah.
●Kaka asaga oo 27 jir ah ayuu noqday laacibka ugu qaalisan dunida.
●Jean-Pierre Papin waxa uu Milan kusoo biiray asagoo 29 jir ah, xidiga ugu qaalisan caalamka ayuuna waqtigaas noqday.
●Lilian Thuram markii uu kusoo biiraayay Juventus waxa uu noqday daafaca ugu qaalisan caalamka 29 jir ayuuna ahaa.
Sidoo kale xiligii hore laacibiinta waxa ay ku biiri jireen kooxo waaweyn aygoo da' ahaan 25 sano dhaafay.
Tusaale:
Rui Costa Fiorentina
AC Milan asagoo 29 jir ah.

Pavel Nedvěd Lazio
Juventus asoo 28 jir ah.

Emerson Rosa Roma
Juventus asagoo 28 jir ah.

Alessandro Nesta Lazio
AC Milan asagoo 26 jir ah.

Halkaan waxaan ka ogaaneynaa in xidigihii hore ayagoo da' yar aana ahayn ay ku biiri jireen kooxaha waaweyn, numbers fiican in ay la imaadaan waa ay adagtahay.
Jiilkii hore markii ay da' yaraayeen nasiib uma heli jirin inta badan in ay gacanta u galaan kooxo waaweyn.
Raheem Sterling markii 17 jir uu ahaa Liverpool ayuu Lineup ka ahaa, halka Figo markii 17 jir uu ahaa uu ku jiray Academy-ada Sporting CP, tayo ahaana Figo ayaa in badan ka fiican Sterling.
Waxaa jiro xidigihii hore kuwo fara-ku-tiris ah oo nasiib u yeeshay ayagoo da' yar ah in kooxo waaweyn u ciyaaraan ayna sameeyaan numbers cajiib ah.
Tusaale: Francesco Totti asaga oo 17 jir ah ayaa lagu soo daray kooxda koowaad ee Romal, 500+ G/A ayuu sameeyay waayihiisa ciyaareed waligiisna No. 9 ma ciyaarin, waa number cajiib ah.
Ryan Giggs asagoo 17 jir ah ayaa losoo dalacsiiyay kooxda koowaad ee Manchester. EPL waxa uu ka sameeyay 162 caawin, waana xidigaha ugu badan taariikhda EPL caawin ka sameeyo, ilaa hada Record-kiisa cid u dhowaato ma jirto.
3)Falsafadda weerarka.
Kubada cagta casriga ah lama mid ahan midii hore. 70s, 80s, 90s, falsafada daafaca ayaa caan ka ahayd dunida inta badan kooxahana waxa ay isticmaali jireen falsafada daafaca, waana sababta daafacyadii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta intooda badan ay xiligaas usoo shaac baxeen.
Fasal ciyaareedkii 1993/94 AC Milan waxa ay ku guuleysatay Seria A, sidaas oo ay tahay 36 gool oo qur ah ayay dhalisay 34 kulan oo ay ciyaartay horyaalka, Juventus oo ay horyaalka ka qaaday waxa ay dhalisay 58 gool, balse sirta guusha Milan waxa uu ahaa daafaceeda ayaa adkaa, 34 kulan oo ay ciyaartay Seria A kaliyah 15 gool ayaa laga dhaliyay. Xaalku iminka waa sidee?
Season-kaan kooxda ugu hooseyso Seria A waa Venezia, 37 kulan oo ay ciyaartay 23 guuldaro ayay la kulantay, Seria B mar hore ayay u laabatay sidaas oo ay tahay 34 gool ayay ka dhalisay Seria A xagaagan.
Horyaalka Seria A xiligaas waxa uu ahaa kan ugu fiican dunida sidaas oo ay tahay sanadkaas Milan ay ku guuleysatay horyaalka sadax koox bes ayaa dhalisay 50+ gool [Juventus, Lazio iyo Parma].
Iminka football-ka waxaa kusoo kordhay fikrado cusub sida kubad heysasho, kubada in gadaal laga soo dhiso, garoonka si nidaamsan in loogu faafo, si wada jir ah in loo shaqeeyo, xooga in la saaro fitness-ka, Pressing iyo fikrado kale, natiijadii ka dhalatayna waxa ay noqatay kubad qurxoon oo weerar ah goolal badan la iska dhalinaayo.
Saameynta ay keentay falsafada weerarka waxaa ka mid ah habka loo xulanayo xidigaha in uu is badalo. Tusaale.
Daafacyada iminka waxaa lagu xushaa in xawaarahooda uu sareeyo, ku fiicanyihiin build up-ka i.w.m balse xiligii hore sidaas ma ahayn, daafacyadii hore waa ay gaabiyaan dhanka xawaaraha hadii lala barbar-dhigo kuwa casrigaan balse aas-aaska hab difaaceedka in badan daafacyadii hore ayaa ku fiican.
Saameynta ay keentay kubada weerarka waxaa kale oo ka mid ah in laga guuray in team dhan hal shaqsi ku tiirsanaadaan, iminka kooxuhu si wada jir ah ayay u shaqeeyaan, gambiskii ayaa sido kale yaraaday halka kubada cagta casriga ah uu kasii dabar go'aayo booska Attacking midfielder [kubad sameeyayashii ayaa dunida kusii yaraanayo].
Dhamaad.