XOG DHAMEYSTIRAN: SHANTA QOYS EE ADDUUNKA UGU HODANSAN QEYBTII LABAAD.

Qoyska Rookfeler (The Rockefeller Family): waa qoys Mareekan ah, wershadley ah, bangiley ah, isla-markaas ku laban siyaasadda. Waa reerka labaad oo ugu hantida badan dunida. Qoyskan ayaa hantidooda waxay ka soo jeeddaa awoowahood John Davidson Rockefeller (1839 - 1937). Isagu wuxuu ahaa ganacsade wayn oo door ka cayaaray curinta wershadaha batroolka iyo hor u-markooda. John Davidson Rockefeller, sanadkii 1870-kii ayuu degmada Cleveland (Ohio - USA) wuxuu ka asaasay shirkad batrool oo uu ku magacaabay Standard Oil Co. Shirkaddan oo uu ku asaasey saami dhan hal melyan oo dollar, ayaa muddo sagaal sano ah dabadeed (1879-kii) waxay lahayd 90 % batroolka saafiga ah ee laga adeegsanayay dalka Mareekanka.

Sanadkii 1911-kii, markii ay muuqatay faa’iidada xad dhaafka ah oo shrkadda Standard Oil soo geleysa, ayaa maxkamaddii sare ee Mareekanka waxay xukuntay dacwad ay xkuumadda federaalka ah ka soo gudbisey shirkadda. Dacwaddu waxay ahayd in la hor-joogsado monoboolka ay shirkaddan ku hayso ganacsiga shidaalka. Sidaa darteed, maxkamaddii waxay xukuntey in shirkaddii la furfuro oo la dhiso 37 shirkadood oo shidaal, iyaduna ay mid kamid ah noqoto. Laakiin ganacsigii shidaalka ee qoyska Rockefeller kuma uusan hakan halkaas, bal shirkaddii Standard Oil waxay midoobeen shirkadda Mobil oo iyadana shirkad Mareekan ahayd. Waxay la baxeen magaca (ExxonMobil). Waa shirkadda ugu wayn dunida oo ka shaqaysa wax kasta oo shidaalka la xiriira, sahankiisa, soo-saariddiisa, sifeyntiisa, gaadiideyntiisa, suuq-geyntiisa, iwl.
Shirkaddu, maalintii waxay soo saartaa 3,921 oo bermiil oo batrool ah. Maalintii waxay sifeysaa 6.3 million bermiil oo batrool ah, kuwaas oo lagu qiyaasay 1,000,000 m3. Waxay ka shaqaysaa 21 dal. Wiilkii isaga oo 20 jir ah shaqada ku bilaabay in uu bishii 16 dollar qaato, wuxuu noqdey bilyuneerkii ugu horeeyey ee taariikhda gala, wuxuu noqdey sheydaankii Cleveland, wuxuu noqdey boqorkii shidaalka. Wuxuu wax ka dhisey daarta Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa. Hantida qoyska reer Rockfeller waxay dhan tahay 400 oo bilyan oo dollar.

Qore: Dr. Saadiq Enow




Post a Comment (0)
Previous Post Next Post
maxaad qabtaa oo Suaal? hadey jawaab taada haa tahay fadlan WhatsApp nagala soo xariir adoo mahadsan
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...