BILOWGII WAAYIHII CIYAAREED EE DON CRISTIANO RONALDO 1992-2003.

Xidig leh hibo kubadadeed lagana filaayo hormar lataaban karo waxuu kala mid ahaa intaas xidigaha asagiis ah balse xirfad uun xidig laguma noqdo lkn Cristiano waxuu intaas ku darsaday dadaal, kalsooni nafeed iyo shaqsiyad adag.

Tani waa sheekada aan idin soo gudbin doono sidee Cristiano Ronaldo ku noqday xidig gaaray heerka ugu sareeya kubada cagta.?

MADEIRA 1985-1997

Jasiirada Madeira waa caasimada gobolka Funchal waana meshii uu ku dhashay Cristiano sidoo kale uu ku xirtay kabihii ugu horeeyay ee uu kubad ku laado.

Markii ugu horaysay waxuu xooga saaray barashada kubada cagta halka uu waxbarashada saari laaha sabaabta uu waxbarashada xooga usari waayay waxaa lagu shegaa in ay qoyskiisa ahaayen kuwo faqri ah.

In uu xooga saaro kubada cagta waxaa ku tageeray kuna dhiiro galiyay hoyadiis.

Cristiano kooxdiisii ugu horaysay ee u ciyaaro waxay aheed koox ka dhisan xafadiisa waxaana lagu magacaabi jiray ANDORINHA waxuuna u ciyaaray intii u dhaxaysay 1992-95. Sidoo kale aabaha xidigaan ayaa kamid ahaa shaqala kooxdaas.

Fernando De Sousa waa macalinka kooxda da’yarta uu Ronaldo ka tirsanaa sidoo kale kaliya uma aheen macalin balse waxuu ahaa qof udub dhexaad u ahaa hormarkii uu CR7 waagii uu yaraa uu tiigsaday isaga oo u buuxiyay booska abihiis kadib markii uu abahiis nolosha ka dhacay sababo isbiirsaday awadeeed.

Don Ronaldo waxaa iibsatay kooxda ka dhisan isla magalada uu ku dhashay lana dhaho C.D. Nacional waxayna ku iib sadeen 2 xidig oo da’yar ah iyo 20-kubadood xidigana waxuu markaas jiray 10 sano.

C.D. Nacional macalin kii laylinaayay  ayaa ka dayriyay tabar darida haysatay Cr7 waxuuna hooyada dhashay xidigaan kula taliyay cunugeeda in ay siiso cuno nafaqo leh.

Ronaldo marka uu yaraa  waxuu tababarka ku jiri jiray umado 10-12 sacood ah waayo majirin layli school oo laga rabay ileen waxba ma baran jirine.

Sanado kadib waxuu Ronaldo noqday xidiga ugu shidan jasiradiisa waxaana mar kale noloshiisa hormar keeda ka qeyb qaatay Fernando De Sousa isagoo xogta xidigaan u bandhigay JOÃO DE FREITAS oo ahaa madaxa tagerayaasha kooxda Sporting ee ka dhisan jasirada.

JOÃO DE FREITAS waxuu xiriir fiican oo qoto dheer kala dhaxeeya ninka koxda Sporting u qaabilsan indho indhaynta xidigaha da’yarta laguna magacaabo AURELIO PEREIRA.

AURELIO PEREIRA waxuu horay kooxda ugu keenay xidigaha da’yarta ee kala ahaaa FUTRE, FIGO, QUARESMA, NANI IYO MOUTINHO.

Indho indheeyahaan marka uu arkay tayada xidigaan waa ku qancay waxa uuna war galiyay Sporting ayagana waa la dhaceen hibada da'yarkaan waxayna kula soo wareegeen qiimo gaaraa €25000. waxuuna noqday 12-jikii ugu horeeyay ee qimahaas walidaa kooxdaas kasoo bixiso.

SPORTING 1997-2003:

Cristiano waxa uu boorsooyinkiisa ka xirxirtay magaaladii uu ku dhashay waxa uuna wajiga u jeediyay caasimada portugal ee Lisbon.

Majirto magaladan wax qoyskiisa ah oo uga soo horeeyay waxuuna ahaa kaligiis waxuu tababarka kula biiray xidigo isaga ka weynaa sidoo kale waxuu wajahay cabaqado kala duwan madaama aysan isku cimilo aheen jadiradii uu ku barbaaray iyo Lisbon.

Waxuu wajahay dhawacyo kala duwan isagoo mudo 3 bilood ku dhow koxdiisa aana u ciyaarin. Kadib marka uu tabarka kusoo laabtay kooxda hormar kubadeedna ku sameeyay kooxda da’yarta ah Sanadku markuu ahaa 2001-dii ayay koxdiisa ku abaal marisay heshiiskii ugu horeeyay ee professional kadib markii uu sameeyay hormar muuqda. Waxaana ka caawiyay markaa wakiilna u noqday wakiilkii ugu caansanaa xiligaas carada Portugal ninka lagu magacaabo JOSE VEIGA, heshiiska uu xidaan saxiixay ayaa ahaa 4 sano isagoo bil walba qadanaayay €2,000 waxaana 16-jirkaas heshiis kiisa lagu bur burin karay €20M.

Sanadku markii uu ahaa 2001 xidig yarahaan waxuu mar kale dib ula midoobay hooysiis iyo qoyskiisa waayo waxuu bixin karay kolkaa qarashadka qoyskiisa.

Waxa uu tababar la sameyn jiray kuraygaan kooxda koowaad oo markaas macalin u ahaa László Bölöni oo Romania kasoo jeedo.

Kadib isbuucyo badan uu tababar lasameeyay kooxda koowaad Ronaldo waxuu macalinka reer Romania kasoo saaray warbixin Negative ku ah. Isku dayo badan iyo tababaro badan uu sameeyay xidig yarahaan kama sacidin macalinka in uu fursad siiyo.

Sanad ciyared qurxoon bay kooxda CR7 qadatay balse isaga ma qadan macalinka kooxdana waxuu fursad siiyay xidigo da’yar ah kuwaas oo laga xusi karo VIANA iyo QUARESMA balse Ronaldo wali waxuu sugayaa fursad.

JORGE MENDES oo ahaa wakiil ayaa cod saday in 3 xidig oo katirsan kooxda da’yarta ee Sporting in uu wakiil u noqdo isagoo u balan qaaday in xidigahaan tayada leh uu ka gadi doono kooxaha waa weyn ee reer Yurub isagoo kala wareegay wilkiil koodii hore JOSE VEIGA Saddexda xidig ayaa kala ahaa  Don Cristiano, Viana iyo Quaresma.

September 2002-dii Ronaldo ayaa iska buriyay wakiilkiisii waxuuna wakiil ka dhigaty Mendes.

2002-03 Sporting.

MARIO JARDEL oo ahaa weerayahanka ugu muhiimsan kooxda Sporting aya sheegay in uu kooxda isaga tagaayo waxuuna agasimaha ciyaraha kooxda Mr Freitas u sheegay macalin Bölöni in aysan kooxda hayn qarash ay kusoo iibsato weeraryahan cusub balse uu is dabaro waxuuna talo ahaan u jeediyay in uu isticmaalo fursadna siiyo da’yarka lagu magacaabo Ronado macalinka kooxdana waa ku raacay soo jeedinta agaasimaha.

Waxuu sheegay wilkaan da’yarka ah in maskax ahaan uu ka fiican  yahay sanado kahor sida uu ahaa. Ronaldo waxuu ciyaari jiray booska weerarka tooska ah ama kan labaad balse macalin Bölöni ayaa ciyaarsiiyay garab toos.

Waxuuna macalin Bölöni laga hayaa hadal xiligaas aan suragal aheen balse rumoobay waxuuna ahaa:“ Wiilkaan yar waxuu ka fiicnaan doonaa EUSÉBIO iyo FIGO.”

Goalkiisii ugu horeeyay xirfadisa ciyared waxuu kadhaliyay kooxda Real Batis kulan saaxibtinmo oo labada koox yeesheen.

Kulankiisii ugu horeeyay ee Champions league-ga uu ciyaaray waxuu wajahay kooxda Inter Milan  ciyaar ka tirsaneed wareega bug baxda ee lagu soo baxo koobka Champion league-ga.

Goalkiisii ugu horeeyay ee horyaalka waxuu ka dhaliyay kooxda MOREIRENSE.

Xagagaas quruxda badan marka uu ku qaatay kooxda waxuu wakiilka xidigaan ku wargaliyay in xagagaan marka uu dhamaado uu xidiga kooxda ka tagi doono waayo waxuu dalabaad ka helay kooxo waaweyn oo ka dhisan shanta  Horyaal ee ugu weyn yurub.

Ronaldo ayaa isagana yiri xiligaas:“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahy in ay isoo dalbadaan kooxo waaweyn oo Yurub ka dhisan riyadaydu waa in aan ka ciyaaro Horyalada Spain ama England”.

Waa kuwee kooxaha sida dhabta ah u doonaayay lasoo saxiixashada C.Ronaldo.?

PACO ROIG oo ahaa musharax u taagan jagada madaxweynenimo ee kooxda Valencia ayaa u sheegay Mendes in uu CR7 iyo QUARESMA ku qadanaayo 9M hadii uu xilka kooxda ku guulaysto.

Luiz Suarez oo ahaa halyeygii kooxda Inter ahana lataliyaha madaxweyne Morata ayaa kula taliyay in uu soo qaato Inter xidigaan waxaana laga hayaa in uu yiri:“ Soo qaado waxuu noqon doonaa xidiga ugu fiican aduunka”. balse xiligaas Inter Milan ayaa lacago badan kasoo bixisay Crespo umana suura gali Karin in ay soo qatan xidig yarahaan.

Juventus waxay rabeen xidigaan da’yarka ah in ay kula soo saxiixdaan heshiis isdhaafsi ah oo ay Sporting siiyaan weerar yahankii reer Chile Marcelo Sales balse xidigaas ayaa iska diiday in uu heshiis kaas qeyb ka noqdo.

LFC macalinkii xiligaas maa mulaayay Gérard Houllier ayaa isna dhinaciisa kadoonay xidigaan waxaa uuna Ronaldo ka yiri dalabka LFC:“Waa mid kamid ah kooxda ugu weyn qarada Yurub waana riyo ii rumowday hadaan mar uun Liverpool matalo”.

Barcelona waxay qadatay xidigo badan uu Mendes u yahay wakiil waxayna cilaqad fiican lahaeed wakiilka xidigaan balse waxay ka doorbideen in ay qataan Quaresma.

Arsenal waa kooxda sida dhabta ah u doonaysay xidigaan oo xitaa waxaay imadeen xidigaan iyo hoyadiis kooxda halka ay ku tababarato waxayna Arsenal heshiis afka wada gaaren kooxda Sporting waxuuna macalin Wenger u diyaariyay laacibkaan Number 9 in uu xirto Cristiano

Is afgaradkii iyo wax walba oo laga heshiisayay waa burbureen kadib markii ay Arsenal u waysay qarashkii ay Ronaldo kula soo saxiixato maxaa yeelay Arsenal markaas waxy dhisaysay garoonka ay hada ku ciyaarto ee Fly Emirates.

Manchester United macalinkii xiligaas maa mulaayay ee SIR Alex waxuu war galin ka helay cawiyihiisii reer Portugal ninka lagu magacaabo CARLOS QURIROZ kaas oo ku wargaliyay in uu jiro xidig yare kasoo baxay kooxdii uu majaraha u hayn jiray dhexbartamihii  90-maadkii ee Sporting laguna magacaabo Cristiano Ronaldo.

Caawiye CARLOS QURIROZ oo kahadlaayay Arinka Ronaldo waxuu dhahay “ Ma ahayn shaqadayda in aan lasoo saxiixdo da’yarta balse arinka Ronaldo waxaan u sheegay Sir-ka”.

Manchester United macalinka cawiyaha u ahaa ee QURIROZ waxuu Sporting majaraha u haayay mudo labo sano ah 1994-1996-kii.

Manchester United iyo Sporting waxaa ka dhaxeeyay cilaaqad aad u sareeyo waxayna is dhaafsan jireen waxyaabo badan waana sababta uu ugu fudaaday in Manchester United hesho Don Cristiano.

Manchester waxay u dirtay macalinka da’yarta si uu usoo indho indhooyo waxuuna war bixin ku keenay xidigaan asaga oo yiri:“waxaan arkay ciyaaryahan balse waxaan filaa in uu yahay garab lkn waxuu hada ciyaarayaa weerarka tooska ah, aan si deg deg ah ula soo wareegno ka hor inta aysan nagu qabsan kooxaha kale” -JIM RYAN

Macalin SIR waa aqbalay in ay kooxdisa lasoo waregto da’yarkaas balse waxuu dhahay waa in sanad kooxda ay sii haysto fikirkaas kaligiis ma qabine xitaa waxaa laqabay kooxo badan oo xidigaan rabay.

Kooxda Sporting ayaa Manchester ku casuuntay kulan saaxibtinimo oo ka dhacayay garoonka markaas cusbaa ee daaha laga rogaayay ee kooxda Sportin laheed laguna magac daray Estádio José Alvalade.

Ciyaarta labada koox waxay dhacaysay 06-08-2003-dii balse malin kahor inta aysan ciyaarta dhicin waxaa wada kulmay macalin Sir iyo wakiilka xidigaan Mendes waxuuna macalinka mujiyay rabitaanka Ronaldo maxaa yeelay waxaa kooxda ka tagay David Beckham oo aaday Real Madrid, Verón oo aaday Chelsea iyo Ronaldinho oo Manchester rabtay balse ka doorbiday Barcelona.

Mustaqbalka Don Ronaldo halkuu ku danbayn doona.?

Maamulka kooxda iyo macalinka cusub ee kooxda Fernando Santos  waxay rabaan in uu joogo heshiis cusub in ay siiyan xidig yarahooda balse xidiga iyo wakiil kiisa marabaan heshiis cusub oo waxay rabaan in ay hawo gadistaan.

Manchester iyo macalin kooda waxaa ka go’an in ay qataan xidigaan.

Kulanka saxibtinmo markii uu dhacay kadib waxaa lacajabay tayada xidigaan macalin Sir Alex waana la dhacay xidigyarahaan.

Waxuuna u sheegay maamulka sare ee kooxda in xidigaan ay sida ugu dhaqsiyaha badan kooxdiisa ugu keenaan.

Manchester ayaana xidigaan ku qaadayay aduun lcageed gaaraya £12.2M waxayna ka saxiixdeen 5 sano heshiis ah.

Macalin Sir ayaa u balan qaaday CR7 in uu sanadka soo socda ciyarsiin doono qeyb kamid ah xagaagas kulamada ay kooxda dheelayso.

Cristiano markii uu Manchester kubiiray waxuu ka codsaday in lasiiyo No.28 balse waxaa ku gacan sayray macalinka isagoo siiyay No. 7 kaas oo kooxda qiimo sareeya ugu fadhiyo, waxaana hortiis No.7 soo xirtay Best, Coppell, Robson, Cantona iyo  David Beckham.

Waxuuna noqday xidigii ugu sameynta badanaa ee Manchester United soo mara xirtana number-ka 7-aad. 

Dhamaad.

Don Cristiano iyo qoyskiisa





Post a Comment (0)
Previous Post Next Post
maxaad qabtaa oo Suaal? hadey jawaab taada haa tahay fadlan WhatsApp nagala soo xariir adoo mahadsan
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...