KULAN CIYAAREED ISKA CAADI AHAA OO ISKU BADALAY MID TAARIIKHI AH.

Sheekadaan marka aad aragto waxaad isleedahay wa sheeko aan jirin oo la alifay balse waa mid rasmi ah oo ka dhacday kubada cagta.

Horyaalka heerka labaad ee dalka Argentina ayaa waxaa jiray kulan dhex maray labo kooxood kuwaas kala ah CHACARITA JUNIORS vs ALMAGRO. Sida caadada ah garoomada Latin America ku yaala waa iska camiranyihiin madama dadka kasoo jeedo Koonfur America ay ku waalanyihiin kubada cagta.

Labadaan koox waxay isla xayaysiin jireen ama Sponsor u ahaa hal Company oo la oran jiray Penalty, ciyaartuna waxay aheed ciyaar iska caadi ah balse waxay isku badashay ciyaar tariikhi ah. 

Shirkada Penalty ayaa u sheegtay labadaan koox in ay dhexdhigayso koob ayna ka faidaysanayso maadaama ay labada kooxba xayaysiin u sameeyaan, kooxdii guulaysatana waxaa lasiinayaa koob ciyartaan ayaana dhacday 22/March/1994-kii.

Sidoo kale Shirkada Penalty ayaa heshiis la gashay muuq-baahiye caan ka ah gudaha Argentina bal in ciyaartaas uu Live u tabiyo si kulanka hadal heyn badan u yeesho.

Kulanka markii uu bilaaban rabay labada koox waxay kusoo galeen garoonka funaanadaha ay ku ciyaaran kulamada banaanka, waxayna labada koox noqdeen isku midab. Garsoorihii ciyaarta dhex dhexadinaayay oo la oran jiray Gustavo De Gennaro markii uu arkay mashaqada meesha ka jirto waxuu dhahay wan bajinaynaa kulanka waayo ma qaban karo ciyaar labada koox maliyadooda ay isku mida  yihiin. Wuxuuna garsooraha kulanka sheegay in labada koox mid maliyadeeda badasho waliba waxuu soo jeediyay kooxda lagu ciyaarayo gurigeeda in ay maliyada badasho balse kooxda ayaa sheegtay in daruufo badan oo jiro awgeed aysan heli karin maliyada ay ku ciyaaran gurigooda.

Waxaa keenay qorshe aan innaba aan caadi ahayn saxafi ahna qoraa reer Argentina oo lagu magacaabo Oscar Scotton kaas oo u sheegay Kabtanka iyo macalinka kooxda lagu ciyaarayay gurigooda in ay waydiistaan tageerayasha koxdooda funaanadaha ay kooxda ku ciyaarto kulamada Home-ka si ay kulanka uusan baaqan isagoo usii sheegay in ay qataan cod baahiyayaal si tageerayasha warka u wada maqlaan.

Tageerayashii kooxda Chacarita FC ayaa ku qancay arinkaas eyagoo soo tuuray maaliyado badan oo kooxdooda ay ku ciyaarto kulamada Home-ka waliba funaanado leh numbero iyo kuwo aan laheen balse arinka cajiibka ah waxa uu noqday in markii naadiga ay galaysay sawirka kooxda dhan wada gasho in laga wayay 11-ka maaliyad ay xirnaanyeen xidigaha kooxda lagu dheelaayay gurigeeda hal funaanad oo ay xayesiinayso shirkada qaban qaabisay kulanka dhacaayo markas ee Penalty, dhamaan 11-ka maaliyad waxay noqdeen kuwo lagu xayaysiinaayo shirkado horay usoo maray kooxda oo heshiiskoodii mar hore dhamaaday.

Waa la isaga dheelay funaanadihii kulanka waxaana kulanka badiyay kooxdii lagu ciyaaraayay gurigeeda waxayna kubadisay farqi 3-2 ah balse kulan walba oo koob ah qofka ugu badan ay qabato camirada waa Kaptan-ka kooxda hogaamiyo, kooxda Chacarita Kabtankooda waxuu xirnaa maliyad lagu xayeesiinayo Company-ga Taiyo.

Dhacdadaan ayaa noqotay dhacdo cajiib ah, in badan bulshada ay hadal heysay, shirkada Penalty-na mudo ayaa lagu maadsanayay!!.





Post a Comment (0)
Previous Post Next Post
maxaad qabtaa oo Suaal? hadey jawaab taada haa tahay fadlan WhatsApp nagala soo xariir adoo mahadsan
Asc, walaal maxaan kaacaawinaa? ...
Halkaan riix si aad...