Leonal Messi iyo Cristiano Ronaldo waxaa loo tixgaliyaa in ay yihihiin labo ku tartanto kubada cagta kuwoodii ugu waqtiga dheeraa, eyagoo ku guulaystay bilad walba oo shaqsi ah iyo koob walba marka laga reebo Koobka kubada cagta aduunka. Hasa yeeshee taas cagsigeeda ma ogtahay in ay jiraan xidigo kubada cagta ciyaaro/ ciyaaray kuwaas oo aan ku guulaysan waligood koob aan aheyn midka koobka aduunka oo ah riyada Pulga iyo Don.
World Cup 2018.
Nabil Fekir waxuu usoo ciyaaray Lyon hada waxuu u ciyaaraa Betis waligiis koob ma qaadin marka laga reebo World Cup oo uu qaaday 2018-kii lana qaaday dalkiisa France.
World Cup 2014.
Ron Robert Zieler waxuu usoo ciyaaray kooxaha kala ah Leicester City, VFB Stuttgart, FC Köln iyo hada oo uu u ciyaaro Hannover 96 waligiis koxahaas koob lama qaadin balse xulkiisa qaranka Germany ayuu la qaaday 2014-kii koobka aduunka ee ka dhacay Brazil.
Cristoph Kramer waxuu hada u ciyaaraa kooxda Borussia Mönchengladbach waligiis koob ma qaadin balse waxuu dalkiisa hooyo Germany laqaaday koobkii aduunka ee lagu marti galiyay Brazil 2014-kii.
World Cup 2006.
Simone Barone waxuu usoo ciyaaray kooxo badan koo ka dhisan dalkiisa talyaniga waxaana koxahaas ugu magac weyn Torino, Parma, Chievo, Palermo, Cagliari iyo Liverno.
Waligiis koob maxali ah ma qaadin balse xulkiisa qaranka Italy ayuu lahantay koobkii aduunka ee lagu marti galiyay carigaas Germany 2006-kii.
World Cup 1990.
Uwe Bein waxuu usoo ciyaaray kooxaha kala ah FC Köln, Hamburger iyo Eintracht Frankfurt waligiis koob maxali ah maqaadin balse waxuu dalkiisa Germany la qaaday koobkii aduunka 1990-kii ee lagu qabtay italy.
World Cup 1978
Luis Galván waxuu ahaa difaac dhaxe kaas oo kooxo badan oo yar yar usoo ciyaaray waligiis ma qaadin koob layaqaan balse waxuu qaaday koobab yar yar oo ah koobab goboleed mana ahan koobab calami ah lkn waxuu xulkiisa u qaaday koobkii aduunka ee dalkiisa uu martina galiyay 1978-dii.
World Cup 1966
George Reginald Cohen waxuu usoo ciyaaray kooxda Fulham balse waligiis ma qaadin koob maxali ah lkn waxuu dalkiisa u qaaday koobkii aduunka ee dalkiisa marti galiyay 1966-dii.
James Christopher Armfield waxuu usoo ciyaaray kooxda Blackpool waligiis koob lama qaadin balse waxuu nasiib u helay in uu dalkiisa iyo carada uu ku dhashay ku qaado koobkii aduunka 1966-kii.
Ron Springett waxuu usoo ciyaaray kooxaha kala ah QPR iyo Sheffield Wednesday waligiis maqaadin koob caalami ah, balse waxuu dalkiisa la qaaday koobkii aduunka ee 1966-kii.
Terry Paine waxuu usoo ciyaaray kooxda Southampton waligiis ma qadin koob maxali ah balse waxuu nasiib u yeeshay in dalkiisa u qaado koob adun sanadku markii uu ahaa 1966-dii.
World Cup 1950.
Rubén Morán wxuu usoo ciyaaray kooxo ka dhisan dalkiisa balse waligiis koob maxali ah maqaadin lknse waxuu dalkiisa la qaaday koobkii aduunka 1950-kii ee lagu marti galiyay dalka Brazil.